Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay William Hague

0
587

 

odayLondon (Geeska)- Kulan Madaxweyne, Axmed Maxamed Silaanyo oo shalay xafiiskiisa kula yeeshay xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska,William Hague ayaa la sheegay in Ingiriisku dhowaan dib u eegis ku samayn doono digniintiisii socdaal ee Somaliland.

Kulankaa oo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed Cabdillahi Cumar, iyo wasiirka Qorshaynta, Dr, Sacad Cali Shire, ku wehelinayeen Madaxweyne Siilanyo, ayaa lagu sheegay sida Somaliland diyaar ugu tahay dib u bilowga wada-xaajoodkii u dhexeeyey Soomaliya.

War saxaafadeed, wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ka soo saareen kulankaa ayaa u dhignaa:

“Wefdigii Maxadweyne Axmed M. Maxamuud (Silaanyo), hogaaminayey, socdaalkana ku joogay Ingiriiska ayaa shalay kulan kula yeeshay xafiiskiisa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska, William Hague.

Madaxweyne Silaanyo ayaa kulankaa kaga hadlay in xaalada nabadgelyada Somaliland marayso meel wanaagsan, sidii 21 sannadood ahaayeen, iyo talaabooyin xukuumadu ka qaaday  adkaynteeda. Waxuu Madaxweynahu uga mahadceliyey xoghayaha Ingiriiska taageerada dalkiisu siiyo Somaliland, oo wax weyn ka taraysa kobcinta dhaqaalaha, adkaynta nabadgelyada. Waxuu bogaadiyey Ingiriiska taageeradooda fududeynta wada-xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya, hoostana ka xariiqay sida Somaliland diyaar ugu tahay dib u bilowga wada hadaladaa.

Madaxweynaha Somaliland  iyo Xoghayaha UK ayaa isla qiray kaalinta muuqata ee Somaliland kaga jirto la-dagaalanka budhcad-badeedka iyo argagaxisada.iyadoo digniintii dhowaan lagu sheegay halsita ajaanibka la bedeli doono, marka saraakiisha amaan ee labada wadan isla dhameeyaan hawlgalkooda halistaa.

Wefdiga Madaxweyne Silaanyo ayaa soo dhoweyn weyn kala kulmay xukuumada UK iyo qurba-jooga iyo wax-garadka Somaliland socdaalkiisa Ingiriiska.”

Marka laga tago warka ay dawladda Somaliland soo saartay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriisku wax war ah kama soo saarin kulankaas shalay dhacay.