Go’aamo Xaasaasi Ah Oo Ka Soo Baxay Shir Hal-doorka Reer Awdal Uga Socday Boorama

0
577

Boorama (Geeska) – Shir Maalmihii u dambeeyay Magaalada Boorama uga socday qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Gobolka Awdal, Xildhibaannada reer Awdal ugu jira Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Dhallinyaro iyo aqoonyahanka ayaa shalay la soo gebogabeeyay, waxaana laga soo saaray Go’aamo uu ka mid yahay inaan doorasho ka dhici Karin deegaannadooda, illaa la sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Gunaanadkii shirkaasi ayaa marka koowaad waxa hadallo ka soo jeediyey qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka, Xildhibaannada iyo Dhallinyarada aqoonyahanka ee Abaabulka shirkaa qayb ka ahaa.

Mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida ugu jira Gobolka Awdal oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynaha waxaanu leenahay Qaranka Somaliland adigaa laguu doortay, Cadaaladdiisa adigaa lagaala Xisaabtami doonaa, waa inaad u Caddaalad samaysaa Beelaha. Labada Qodob ee uu Gobolku tabayo, mid waataa sharciyadda u baahan (Saami-qaybsiga), midna waa Qalinka Gacantaada ku jira.”

xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf (Axmed-Madar) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Qaranka Somaliland ee halkan (Awdal) lagu soo dhisay ee Aabbayaasho iyo Awoowyaashayo ay soo dhiseen ee aanu jecelahay haddaanu wayno, Qolo ayaanu ahaanaynaa..”

Maxamed Abiib oo ah siyaasi da’yar oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Barnaamijka aynu halkan u fadhinaa waa Barnaamij Qaran, waa barnaamij lagaga hadlayo dantii inaga wada dhaxaysey, waa barnaamij muddo badan soo taagnaa ee maaha mid cusub..”

Xildhibaan Dhawal oo isaguna halkaasi ayaa ka warramay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Qaranka, kulankaasi oo sida uu sheegay loogu soo jeediyey in doorashada Wakiillada lagu galo sidii 2005-tii, laakiin ay diideen “Waxa noo yimid Masuuliyiinta ugu sarraysa Jamhuuriyadda Somaliland, waxa la naga codsaday in sidii hore doorashada lagu galo, dibna la isugu soo noqdo, annagu haddaanu Odayaashii nahay arrinkaasi wuu noo cuntami waayay, waxaanu rajeynaynaa in arrinka dib loogu noqdo, Madaxweynaha iyo Ciddii wehelisaaba inay dib ugu noqoto, waxaanu rejaynaynaa in arrintaa si cad oo hufan loo galo. Waxaanu rejaynaynaa tuhunka iyo Far isku fiiqa faraha badan ee Somaliland ka jira tii saaraysay (noqotaa) oo Qof walba wuxuu leeyahay uu helo weeyaan. Marka wax la kala ridanayo Dadka meelaa lagu tiir-tiirayaa, laakiin waa annaga oo Somaliland, waa annaga oo kuwii dhisay ah, waa annaga oo kuwii lahaaya, waa annaga oo ah kuwa marnaba aan la fujinayna ayaanu waxayagii u fadhinaa.”

Gebogabadii waxa halkaa ka akhriyey Qodobbo laga soo saaray Shirkaasi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, waxaanu yidhi “Inaan Doorasho saami-qaybsi la’aan ka qabsoomayn Gobollada Galbeedka Somlailand.

Bulsho-weynta Gobollada galbeed ee Somaliland waxaanu ku dhiirigelinaynaa, kuna adkaynaynaa inay xoojiyaan Nabadgalyada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Somaliland, ta gudahooda iyo ta deriskoodaba.

Waxaanu uga digaynaa Beesha Caalamka iyo daneeyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera doorashooyinka inay kharash ku bixiyaan oo ay Cid gaar ah ku gacan siiyaan meel-marinta Barnaamij doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.

Waxaanu ka digaynaa in Xukuumaddu ay ku sii socoto Caddaalad-darrada ay ku qaybisay awood-qaybsigii Dawladnimo ee la wada lahaa, sida Goleyaasha sharci dejinta, fulinta, Garsoorka, Ciidammada, shaqaalaha iyo dhaqaalaha Dalka..”