Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Madaxweynaha Ka Hayaan Lacagta Qaybinta Kaadhadhka

0
558

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa meesha ka saaray inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya guddiga doorashooyinka iyo madaxtooyada, waxaanu sheegay in dhaqaalaha ay hadda ku bilaabeen qaybinta kaadhadhku qayb ka tahay lacagtii uu Madaxweyne Siilaanyo balan qaaday inuu bixin doono si doorashooyinka loo qabto, maadaama oo beesha caalamku diiday inay lacagtii bixiyaan.

Mr. Iimaan oo u waramay weriye Boosh oo ka tirsan HCTV, waxa la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inaanay madaxtooyadu weli bixin lacagtii uu madaxweynuhu balan qaaday oo wejiga hore ahayd 4 milyan oo dollar, waxaanu yidhi “Arrintaas kharashka Alle ayaa mahada leh markii ay dhacday in qolooyinkii deeq bixiyayaasha ee ka qayb qaadan jiray doorashadeena ya yidhaahdeen maadaama wixiinii dib u sii socdaan ooydaan jadwalkaad dhigateen ku dhaqmayn xaggii doorashada, waxaanu idinku eegaynaa bal inaad ka baxdaan markay dhabarka noo sii jeediyeen waxay noqotay in madaxweynuhu balan qaaday in xukuumadu bixin doonto. Waanu ka haynaa qaybtan aanu ku shaqaynaynaa waa qaybt aaanu hayno, qaybaha kalena waanu u balansanahay. Lacagtu way kala qaybsantahay, lacagta aanu kaadhadh  qaybinta  ku bixinaynaa afar milyan oo dollar ayay ahayd saddex milyan oo dollar waanu ka haynaa, toban bilyan oo aanaan weli sarifin oo Somaliland u taalana waanu ka haynaa.”

Mar la weydiiyay inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya madaxtooyada iyo guddiga doorashada oo ku saabsan qayb ka mid ah lacagtaas iyo waxa ka jira inaanay weli dawladda u gudbin xisaab celin taas oo sababtay khilaafka, waxaanu ku jawaabay  “Waxaan filayaa warkaasi waa war suuq markaas ma qurux badna sarkaalkii ugu sareeyay komishanka doorashooyinka ayaan ahay in war suuqa laga yidhi oo anaga iyo dawladda na khuseeya inaanu ka hadalno waa war qarsdooya, waayo xidhiidhka naga dhexeeya annaga; dawlada iyo xisbiyadu hadduu banaanka u soo baxo oo shacabku siday doonaan u laadaan dalwadnimadeena iyo qaranimadeenu jiri mayso.”