Xildhibaan Wasaaradda Macdanta Uga Digay Inay Cid Gaar Ah Kooto Ugu Xidho Koronto Qaybinta Dalka

0
592

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sharci daro ku tilmaamay in kooto loogu xidho cid gaar ah ganacsiga xorta ah, gaar ahaan hantida qaranka ee guud ahaan Bulshada ka dhexeysa.

Guddoomiyaha Guddida Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu u diyaar u yahay inuu u tartamo jagadda Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada, madaama la faliyo inuu is casilo dhawaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, waxaanu yidhi “Khilaaf iyo muran ayaa maalmahan ka taagnaa arintan Korontada, hadda madaama aanu nahay Guddida Khayraadka Golaha Wakiilada, waxaanu u yeedhnay, oo arintaas wareysi kala yeelanay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, oo waanu ka wada hadalnay, su’aalana waanu ka weydiinay, arintan oo qudha maaha ee waxyaabo badan oo Wasaaraddiisa khuseeya oo ay ka mid yihiin Shirkaha Shidaalka baadhaya, waanu weydiinay, isna wuu nooga jawaabay, warbixina wuu na siiyey, balse in cid gaar ah kooto loogu xidho ganacsiga xorta ah, oo cid gaar ah loo xidho waxa Bulshada Somaliland ka dhexeeya maaha, waana sharci daro, waxay doontaba ha ahaato ganacsigu wuxuu ku wanaagsan yahay suuqa xorta ah”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey inuu yahay Musharaxa u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada ayaa yidhi “Waxa aad loo hadal hayaa inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), is casilayo, oo xilka Guddoomye-nimo iyo Golahaba ka tagi doono, haddii ay taasi dhacdo waxaan balanqaadaya in aan diyaar u ahay in aan ahay Musharaxa u taagan Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha, aqoonteeda, kartideeda iyo xil gudahashaydaba waan leeyahay, kolay Xildhibaano kalena wey sharaxan yihiin, calafkaygana waan ka qaadi doonaa”.