Hay’adda Life Oo Baaskiilado Casri Ah U Qaybisay Qaar Ka Mid Ah Naafada Hargeysa

0
721

Hargeysa(Geeska)-Haayada Life ayaa xaflad gudoonsiin ah u qabatay darsin baaskiilado ah oo ay ku caawinaysay qaar ka mid ah dadka cagaha ka naafada ah ee reer Hargeysa.

Baaskiiladahan waxa gudoonsiiyay kooxdan naafada ahayd ee haayadu ugu deeqday wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahin Aadan iyo martisharaf kale, waxaana halkaas ugu mahadnaqay haayada Life dadkii naafada ahaa ee lagu wareejiyay baaskiiladahan casriga ah ee ka caawin doono nolol maalmeedkooda.

Cabdiqaadir Sheekh Xasan Maxamed oo ku hadlay afka haayada Life waxa uu halkaas ka yidhi"Waxa farxad weyn inoo ah martida sharafta leh ee uu horkacaayo wasiirka wasaarada qorshaynta Somaliland Md.Maxamed Ibraahin Aadan Qabyatire iyo marti sharafta kale ee ka socota qaybaha bulshada,waxaanu halkan u joognaa in naafada qaranka qaar ka mid ah la gudoonsiiyo baaskiilado casri ah, oo ka kooban darsin kuwaas oo aanu wasiirka qaabilsiin doono.  hadaan inyar ka waramo shaqada haayada Local Initiatives For Education( Life ) runtii waxbadan ayay qaranka ku soo kordhisaa haday tahay caafimaadka,biyaha,beeraha, ciyaaraha iyo xataa wadooyinka oo meelaha qaarkood galbeedka lagaga shaqeeyo."

Cabdi Aadan oo ka mid ahaa dadkii naafada ahaa ee baaskiiladaha la siiyay oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi " Maanta waa mid noo farxad ah, qofka aadamaha ah waxa uu jecelyahay waa laxaadkiisa hadii aanu waynay oo haayadani ay maanta noogu deeqday baaskiilado aanu ku socono, aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa wasiirka iyo haayada noo suurto galiyay inay bartan nagu siiyaan, hadaanay xukuumadi jirin waxan maanu helnee taas oo dadka naafada ah danaynaysa.  markii ugu horaysay ee nala siiyayna maaha saddex goor oo hore oo nala siiyay ayaa jirta oo ilaa badhan la gaadhsiiyay, gobalada kalena in la gaadhsiiyo ayaanu doonaynaa, in waxbarashda iyo ciyaarahaba naafada loogu daro ayaanu doonaynaa."

Ugu danbayntii wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahin Aadan ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay waxtarka haayaan Life isla maraasna diray baaqyo kale"Runtii waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa haayada marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo Life Cabdiqaadir iyo bahda la shaqaysa, waa haayad aan aad u muuqan laakiin wax badan qabata, waxay hadda  bixinaysaa dadka lixaadka naafada ka ah oo had iyo jeer aan hoos loo eegin laakiin intii xukuumada Siilaanyo jirtay wax badan loo qabtay, anaga ka dawlad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba qorshaa shanta sano ee soo socda ayay ka mid yihiin inay naafadu kaalin ku yeeshaan dalka, maanta baaskiiladahan yar yar ee la bixinayaa waa wax yar, laakiin wax weyn ayay iyaga u tahay waxa laga yaabaa meel ay dhawr saacadood u soconayeen inay toban miridh u socdaan, waxaan ku boorinayaa haayadan Life, sida oo kale waxa aan halkan ka boorinayaa dhamaan haayadaha deeqbixiyayaasha inay ku daydaan haayadan, waayo meelaha aan aad loo eegin weeye naafadu ee inay ku darsadaan qorshahooda. anaguna waxaanu idiin balan qaadaynaa sanad kasta shaqaalaha dawladu qaadato naafadu qayb ayay ku leeyihiin, barnaamijka hada socdana waxaanu idiinku daraynaa laban laab oo waxaanu idiinku kordhinaynaa gobalada."