Qaybe Oo Su’aal Geliyay Sharciyadii Rayaale Ku Bedelay Cigaal, Soona Bandhigay Doodii C/qadir Jirde, Taladii Shekh Ibrahim Iyo Aragtidii Maxamed M. Cawale Cawaale

0
3849

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii hore ee Golihii hore ee Wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan Qaybe, ayaa ka hadlay qaabkii uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku bedelay Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, ka dib markii uu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika.

JiciirMd. Qaybe, ayaa qoraal gaar ah oo uu ku soo beegay toban guurada xisbiga UDUB oo uu aasaasay Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, wuxuu sheegay in markii uu Marxuum Cigaal geeriyooday uu guddoomiyihii guurtida Marxuum Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf muddo saddex bilood ah noqon lahaa Madaxweyne ku meelgaadh ah. Hase yeeshe wuxuu sheegay inuu dhibka dhigay Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo wakhtigaas isna ahaa guddoomiye xigeenkii golihii wakiilada ee xilligaas. Qoraalkaas oo  uu Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) shalay si gaar ah u soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ku soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xaaskii Marxuum Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir, oo codsatay in xisbiga UDUB lagu wareejiyo. Qoraalkaas wuxuu guddoomiye Qaybe ku yidhi  “Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigal caafimaad ayaa loogu qaaday cusbatal ku yaal Koonfur Afrika.   Maalintii uu geeriyooday May 3, 2002 Mudane, Cigal Allah ha u naxaristee, galabteedii ayaa Cabdiqaadir Jirde  telefoon i soo diray  in Madaxtooyada lagu shirayo, anigana lay sugayo.

 

Shirkii  Madaxtooyada waxa uu dhacay sidatan: Mudane Dahir Riyale Kahin, oo ku meel gaadh ahaan u sii hayay hawlhii Madxawaynaha, ayaa noo waramay. Markii uu dhameeyey ayaa Cabdiqaadir Jirde istaagay oo yidhi galabta  Somaliland Madxawayne  ma laha. Marka waa in aynu Madxaweyne doorano. Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf Sheekh  Madar, Gudoomiyihii Golaha Gurtida, Allaah u naxariistee,  oo murugo ka muuqato, ayaa  Cabdiqadir u jawaabay oo yidhi horta aynu meydka  aasano.  Sida Dastuurka Qaranku dhigayo   galabtaa waxay ahayd in uu shirku ku koobnaado  labada Shir Gudoon ee Guurtida iyo Wakiilada. Hasa yeeshee  Wasiirro badan ayaa ka soo qayb galay. Maxamed Muse Cawale  oo galabtaa  Dikreetadii uu Wasiirka ku ahaa ay dhacsanyd, ayaa yidhi  dalku sacad ma Madaxwayne  la’aan karo. Eelka waxaa dhigay Cabdiqadir Jirde, oo ahaa ku Xigeenka  Koowaad ee Shirgudoonka Golaha Wakiilada, oo  wada tashi naga dhaxeeyay. Aniga oo aan damacsanayn  ayaan  ku raacay, oo aan idhi wax dhici doona ma garan karno ee  aynu Mudane Dahir Riyale Kahin  Madaxwayne u dhaarino. Haddii aan Sheekh Ibrahim oo badanaaba taladayadu midaysnaan jirtay ku raaci lahaa oo shirka lagu kala kici lahaa, way adkaan lahayd Dahir Riyale inuu doorashada  Madxawaynaha ku guulaysto. Sheekh Ibrahim ayaa saddex bilood Madxwayne ku meel gaadh ah noqon lahaa mudadaasna Madxawayne ayaa labada Gole ee Barlamanku dooran  lahaayeen. Gabyaagii   reer Buuhodle Axmed Dirir ayaa yidhi,  “ Amarkii Ilaah iyo waqtigu waa waxa kaa adage, nin anbaday  halkuu aaday  way ula ekoonayde, anigoo arkaaya ayaan wadada  erigoo maray”.

Markii aaskii marxuumkii Cigaal laga soo noqoday ayaanu maalin Mudane Dahir Riyale  Kahin  wada qadaynay.  Waxa uu igu yidhi haddaan  Maxmed Muse Cawale ii bixin layma arkeen. Waxaa jirta maahmaah Carabi ah oo marka af Somali loo turjumo noqonaysa” Iska ilaali sharka qofkaad ixsaan u fasho”. Marwo Kaltuun Xaji Dahir hadday doonayso  Gudoomiyaha Xisbiga UDUB way ku hagaagsantahay. ”