Ciidanka Qaranka Oo Maanta 25 Jirsanaya

0
1235

Hargeysa(Geeska)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta u dabaal degaya sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Ciidanka qaranka Somaliland, wuxuu maanta noqonayaa 25 jir, waxaana la filayaa in la qabto munaasibad loogu dabaal degayo maalintii la aasaasay ciidanka qaranka Somaliland, oo uu ka qayb galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ciidanka qaranka ayaa wuxuu maalin walba u dabaal-degaa 2 February oo ku beegan maalintii 25 sanandood ka hor la aasaasay. Ciidanka qaranka ayaa sannadkii 1994 waxa lagu aasaasay guutadii Sancaani ee ururkii SNM oo uu Alle haw naxariiste Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ku wareejiyay  Madaxweynihii xiligaas Alle haw naxariiste  Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here