Guddiga Doorashooyinka Oo Cayimay Wakhtiga Ololaha Doorashada, Xillina U Qabtay Inay Shaqaalaha Dawladu Isku Casilaan

0
727

 

Picture2Hargaysa(Geeska)-Komiishanka doorashooyinka  ayaa ka hadlay wakhtiga ay ku eegtahay soo gudbinta Musharixiinta ururada iyo axsaabta siyaasada dalka, wakhtiga kama danbaysta ah ee ay shaqaalaha dawlada ee ururada ka sharaxani iska casilayaan xilalka ay hayaan.

 

Komiishanka doorashooyinku waxa kale oo uu ka hadlay wakhtiga ololaha doorashadu bilaabmayo iyo wakhtiga loo gudbinayo liiska muraaqibiinta asxaabta siyaasada u joogaya goobaha codbixinta doorashada

Afhayeenka komiishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo  warbaahinta kula hadlay xarunta komishanka doorashooyinka  ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaay iscasilaada murashaxiinta ururada ka sharaxan ee dawlada u shaqeeya waxa uu yidhi“Shaqaalaha dawladda ee ka sharaxan ururada waa inay shaqadooda ka tagaan 30 bishan aanu ku jirno ee sideedaad.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Wakhtiga kama danbaysta ah ee liiska musharixiinta la qabanayaa waa 14 bisha sagaalaad ee sannadkan, 6-da fiidnimo wixii ka dambeeya lama aqbali doono.”

Afhayeenka Komiishanku waxa kale oo uu ka hadlay wakhtiga uu bilaabmayo ololaha doorashada deegaanku “Ololuhu waxa uu bilaabmayaa 29-ka bisha October, soo gudbinta liiska muraaqabiinta oo ah dadka ururada u joogi doona goobaha doorashada waa in la soo gudbiyaa 7 bisha November, wakhtiga uu ololuhu dhammaanayo waa 25-ka bisha November, 28-ka Novemberna waxa dhici doonta doorashada”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Urur walba waxa looga baahan yahay in uu liiska musharixiinta uu ku xereeyo xafiiska degmada ee komishanka, liiskuna waxa uu la dhigmayaa tiradda degmada ee looga tallo-galay oo kala ah haddii ay dagmada tahay A + waxay noqonaysaa 25 haddii ay A tahayna waa 21 haddii ay B tahayna waa 17 C haddii ay tahayna waa 13.”

Afhayeenku waxa uu sharaxay shuruudo lagu xidhay musharixiinta “Waxa looga baahan yahay musharaxa waxyaabahan soo socda 1: waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay 2: waa inuu yahay cashuur bixiye 3: waa inaanu ku dhicin dambi ciqaabi ka dhalan karto 4: waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu ka tartaramayo degmooyinka waaweyn 5: waa in si rasmi ah u dagan yahay degmadaasi 6: waa in aanay da’diisu ka yarayn 25 jir iyo waxyaabo la mid ah.”