Ciidamada Booliska Oo Qabtay Khamri Iyo Xashiishad Si Xeeladaysan Loo Iibinayo

0
553

faalHargaysa( Geeska )-Taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa warbaahinta u soo bandhigay khamri baco lagu soo mooriyay, oo gaadhi lagula dhex wareegaayay  magaalada Hargaysa, kaas oo ay ciidamada Boolisku qabteen. Khamri ku jira 24 jirikaan ayaa isn la qabtay.

 

 

Taliyuhu waxa uu daboolka ka qaaday inay khamrigaas ay ku qabteen gaadhi iyo waliba saddex wiil oo iibanayay lana horgayn doono maxkamada. Waxa kale oo uu taliye Cabdilahai Fadal sheegay inay gacanta ku qabteen ciidamada boolisku xashiishad iyo dadkii iibnayay.

Waxanu sidan ku sheegay taliyahu mar uu warbaahinta ugu waramaayay xafiiskiisa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa khamri aan hore dalka u soo gali jirin oo markii aanu xogtiisa helnay ee ciidanka boolisku daba’gal dheer ku sameeyay ay ku guulaysteen soo qabashadiisa, waxaanan bulshada Somaliland u sheegaynaa in khamrigaas oo gaadhi lagu wareejinaayo ay ciidanka boolisku ay qabteen, laguna qabtay saddex wiil oo dhalinyaro ah oo gaadhi  Seeraf ah ku wareejinayay.”

Taliye Cabdilaahi Fadal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxaanan anaga oo illaahay ugu mahadnaqayna   ku guulaysanay in ciidankii booliska ee istabaha joogay ay ku guulaystaan qaarna inay qabtaan Xashiishad, qaarna ay khamrigaas bacaha ku jira oo ah nooc cusub, waxaana magaalada lagu soo galiyaa isaga oo bagaash u eeg, oo baco ku jira urtiisana aan la dareemayn.Waxaan bulshada reer Somaliland u sheegaynaa in aan hawlgal balaadhan ku jirno, ciidamada booliskuna ay gaaf wareegayaan, dhamaan taliyayaasha booliskana waxaan farayaa in hawlgalkaasu uu joogto yahay, si loo ilaaliyo amaanka dalka loona sii xoojiyo.”

Ugu danbayntii waxa uu taliyaha ciidamada boolisku uu sheegay in hawlgalo xoogan oo ay sameeyeen ay ku qabteen tiro kamid ah tuugta caanka ah ee magaalada Hargeysa iyo kooxo dhalinyaro ah oo rabshad wadayaal uu ku tilmaamay,kuwaas dhamaantood maxkamad la horgayndoono.