Guddiga Doorashada Oo Ka Hadlay Sii Daynta Xubnihii Sanaag Ee Puntland Af-duubay

0
532

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in la soo daayay xubnihii ka tirsanaa guddiga doorashada gobalka Sanaag iyo hay’ad maxali ah oo lagu afduubay bariga gobalkaas Axadii.

Siciid Cali Muuse, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in xubnahan la soo daayay ka dib markii ay guddiga doorashadu la xidhiidheen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Cali Shire. Warsaxaafadeedka uu Siciid Cali Muuse soo saaray wuxuu u qornaa sidan  “Maalintii Shalay [doraad] oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqada qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ.

 Warqadan oo ka soo baxday KDQ, kuna socotay dhamaan;

Gudoomiyayaasha Gobolada dalka.

Maayarada Gobolada dalka.

Gudoomiyayaasha komishanka heer gobal.

Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo

Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah.

Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyaan fariinta ay ka sidaan KDQ.

 KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suldaan Siciid  Suldaan Cabdislaan Suldan Cali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada ceerigaabo.”