“Waxaan Xisbiga Iyo Dawladdaba Kula Dardaarmaya In La Ilaaliyo Midnimada Qarannimada, Wada Jirka Iyo Anshaxa Suuban Ee Tartanka”

0
511

Picture4Hargeysa(geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa shalay dib dalka ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban ka jeediyay qolka nasashada madaarka Cigaal ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan dalkii ku soo nabad noqday. Waxaan ka soo laabtay safar shaqo oo aan ku tagnay dalka Ireland, waxaanu la kulanay hay’addaha iyo madaxweynaha dalkaasi oo na marti qaaday,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo si kooban uga hadlay xafiiltanka musharaxnimada Kulmiye ayaa yidhi “sidaynu ka war hayno waxaa fooda inagu soo haya doorashooyinkii, haddana waxaa taagan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Sida dalka lagu yaqaano, wadanku waa dimuqraadi, xisbigana waxaa loogu tartami doonaa si dimuqraadi ah oo loo siman yahay. Waxaan xisbiga iyo dawladdaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada qarannimada, wada jirka iyo anshaxa suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyadoo la dhawrayo xeerarka xisbiga Kulmiye u yaala. Waxaan guud ahaan dadka kula dardaarmayaa ilaalinta nabada iyo wada jirka,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland oo la waydiiyay inuu ka tanaasulay musharaxinimada Kulmiye iyo inuu tartamayo ayaa ku gaabsaday in wakhtiga tartanka la gaadho “Aniga ha la gaadho wakhtigeeda,” ayuu ku gaabsaday Madaxweynaha Somaliland oo la filayay inuu caddeeyo mawqifkiisa.