Guddiga Doorashada Iyo Xisbiyada Oo Isla Qaatay Bilowga Diiwaangelinta

0
813

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland.

ggggg

Kulanka ayaa ku saabsanaa bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo qaabkii ay u bilaabmi lahayd.

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukuumadda iyo xisbiyada soo hor dhigay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2016-ka. Saddexda xisbi ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin arrimahaasi, islamarkaana ku bogaadinayaan guddida doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo markii uu kulanku dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in diiwaangelintu ka bilaabmi doonto gobalka Togdheer bisha January bilowgeeda “Waxaanu umadda Somaliland u sheegaynaa in maanta aanu soo gabagabaynay diyaar garowgii diiwaangelinta cod bixiyayaasha qaranka, waxaanu ku soo gabagabaynay  inaanu jadwal u samaynay siday gobaladu isu raacayaan siday u kala horaynayaan iyo goortay bilaabmayaan, waxaanu kala tashanaynay xisbiyada qaranka iyo dawladda oo uu hoggaaminayay madaxweynaha qaranka inaanu isla qaadano si midaysana loogu midoobo oo diiwaangelinta loo galo, diiwaangelintu waxay ka bilaabmaysaa gobalka Togdheer labada wuig ee ugu horeeya jannuary oo aanu soo cayimi doono sida ugu dhaqsaha badan.”

Wuxuu Eng. Cabdiqaadir Iimaan sheegay in agabkii, shaqaalihii iyo gaadiidkii diiwaangelintu diyaar yihiin.

Geesta kale, Masuuliyiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Muumin Seed oo markii uu kulanku dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub ee guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanay sheegeen in qorshaha ay u soo bandhigeen uu yahay mid ay ku qanceen.