Sucuudiga Oo 40% Sare U Qaaday Sicirka Shidaalka Uu Isticmaalo

0
754

Dowlada Sucuudiga oo khasaare weyn kala kulantay hoos u dhaca qiimaha Shidaalka ee caalamka ayaa sheegtay inay sare u qaadeyso sicirka Shidaalka ay isticmaasho gudaha dalkeeda illaa iyo 40%.

ssss

Talaabadan ayey xukuumada Sucuudiga dooneysaa inay ku kabto Miisaaniyada wadankaasi oo la sheegay in ay weli ka dhimantahay $98 Bilyan oo dollar. Lacagtan ka dhiman Miisaaniyada hore loo qorsheeyey ayaa ah mid ka timid qiimaha shidaalka ee dunnida oo hoos u dhacayey illaa 60% isla markaana gaaray fuustadii wax ka yar 40 dollar.

Sare u qaadida sicirka Shidaalka ayuu Sucuudiga doonayaa inuu ku helo dhaqaale uu ku kabo deynta lagu leeyahay iyo Miisaaniyadiisa oo ka dhiman 98%, waxayna Boqortooyada Sucuudiga ee cadaadiska dhaqaale lasoo daristay dooneysaa inay isbedal ku sameyso shirkadaha Shidaalka ee dowlada hoos yimaada oo qaarkood ku wareejiso shirkado gaar-looleeyahay.

80 illaa 90% dakhliga dowlada Sucuudiga ayaa ka yimaada Shidaalka uu dalkaasi soo saaro.

Sicirka Shidaalka iyo Gaaska ee sare loo qaaday ayaa ka dhaqan galay dalkaasi Sucuudiga salaasadii shalay.

Wasaarada Maaliyada ee Sucuudiga ayaa Isniintii shaacisay in sidoo kale hoos loo dhigayo lacagtii dowlada ku kabi-jirtay Korontada, biyaha iyo Naaftada shanta sano ee soo socota.

Wasaarada Maaliyada ayaa sheegtay in isbedalada la sameenayo si khafiif ah loo hirgelin doono si aanay dhaawac ugu noqon dakhliga soogala qoysaska saboolka ah iyo kuwa dabaqada dhexe. Walow Wasaarada Maaliyada aanay arrimahan wax faah faahin ah kabixin.