Guddoomiye Cirro Oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub

0
944

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa magacaabay jagooyin kala duwan oo xisbiga ah.

cccc

Guddoomiyaha ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in markuu arkay baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaasi, islamarkaana uu la tashi la sameeyay hoggaanka xisbigiisa go’aansaday magacaabista xilal dhawr ah.

Guddomiye Cirro ayaa u magacaabay xoghayaha caddaaladda Barkhad Jaamac Xirsi, halka uu u magacaabay  ku xigeenka xoghayaha siyaasadda Maxamed Abiib Yuusuf, isagoo kuxigeenka xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha u doortay  Yoonis Axmed Yoonis, waxaanu iyo la taliyaha guddoomiyaha ee arrimaha waxbarashada iyo tacliinta sare u magacaabay Axmed Cabdillaahi Xuseen(Al-imam).