Guddiga Diiwaangelinta Oo Wasaarada Daakhiliga Fartay Inay Ururada Cusub Ku Ilaaliso Ilaalinta Sharciga

0
513

 

ciyaaleHargaysa( Geeska ) Guddida diiwangalinta ururda siyaasada oo shir jaraa’id xaruntooda ku qabtay, ayaa waxa ay ka soo saareen go’aamo iyo tilmaamo ku waajahan ururada siyaasada ee la diiwan galinaayo, waxa aanay sida oo kale soo bandhigeen saddex marxaladood oo ay ururadu mari doonaan.

 

Waxa ay guddigu ka codsaeen ururada isu diwaangalinaaya inay ku dadaalaan inay u hogaansamaan go’aamadan ay soo saareen, waxaanay wasaarada arimaha gudaha u soo jeediyeen inay ku ilaaliso ururadu inay ku dhaqmayaan go’aankan, shirkaas jaraa’id waxa ay ku sheegeen in saddexda marxaladood ee ururada looga baahanyahay yihiin diiwaangelinta, hawlgalka iyo doorashada dawlahada hoose.

Ugu dambayn waxa ay ka codsadeen wasaaradda arrimaha gudaha inay ururada siyaasadda ku ilaaliso inay ku dhaqmaan shuruucda, “Haddaba si loo ilaalilyo xasiloonida dalka loogana fogaado khalkhal gelinta waxay gudida diiwan gelintu ka codsanysaa wasarada arimaha gudaha inay ku ilaaliso ururada siyaasada inay ku dhaqmaan una hogaansamaan go,aamadan  waana inay gaadhsiisa maamulada gobolada , degmooyinka iyo ciidanka nabad gelyada.” Ayay guddigu yidhaahdeen.