Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Oo Geeska Afrika Uga Waramay Kulan Uu Isugu Keenay Madaxweyne Silanyo & Madaxda Khaatumo Iyo Sababihii Xilka Lagaga Qaaday

2
237

sirdoonHargeysa(Geeska)-Taliyihii hore ee sirdoonka Qaranka General Maxamed Nuur, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay jawi nabadgelyo ku codeeyaan maalinta doorashada goleyaasha deegaanka oo loo asteeyay inay noqoto 28 November, waxaanu sheegay doorashadaas oo nabadgelyo ku dhammaataa ay kor u qaadi doonto meeqaamka Somaliland.

General Maxamed Nuur, oo isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay inuu qof waliba xil iska saaro xoojinta nabadgelyada wakhtiga lagu jiro doorashada. Waxa kale oo uu ka hadlay xeerka sirdoonka qaranka, waxaanu tallo ku soo jeediyay inaanu sirdoonka qaranku noqon mawduuc lagu galo ololaha doorashada. 

Maxamed Nuur, waxa kale oo uu waraysigan kaga hadlay hawlo badan oo uu fuliyay mudadii uu ahaa taliyaha sirdoonka qaranka sida hawlgalo la xidhiidha wada hadal uu sheegay inuu dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxda Khaatumo ka hor shirkii Khaatumo, saddex goor oo uu sheegay inay sirdoonka qaranku badbaadiyeen caasimadda Hargeysa iyo amuuro kale oo xiiso leh.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya xeerka sirdoonka, wuxuu yidhi  “Aan ku horaysiiyo ee qoladan la yidhaado Sirdoonka  horta markay dawladani timi ee ugu horaysay ayaa xaalkoodu xumaaday, xaalkeeduna wax kale kuma xumaan’e iyadii ayaa la kala qaybiyay oo Laantii Socdaalka ayaa laga saaray, halaga saaro’ee laakiin nidaamkii Afwayne ilaa labadii dawladood ee ka horeeyay jiray ayaa la baabi’iyay,markaas shaqaalahii joogtada ahaa ee ka shaqayn jiray Sirdoonka waxa u muuqatay in waaxi ka maqantay, Dr.Gaboose oo sharaxan ayaa wasaarada daakhiliga ahaa isagaana sameeyay waxan oo dalbaday in Laanta Socdaalka la siiyo. Way jiraan dawlado ay laamaha socdaalku ka tirsan yahiin wasaarada arimaha gudaha, laakiin waajib maaha ee dawlad kastaaba siday doonto ayay u isticmaashaa, tii waxay keentay in taliyayaashii dhakhso isku bad-badalaan  nidaamkii bud-dhiga u ahaa Sirdoonkana uu khalkhal galay, laakiin markiiba  waa ay is toosiyeen.

Markaas waxaan maanta aad uga xumaaday in laga dhigo arin taagan oo olole lagu galo  oo laga doodo, waana xaaraan, Sirdoonku waxa uu u baahan yahay in la xaqdhawro, waa dagaalyahano aan cidina wax u ogayn, oo markay dhintaan ciddi ma taqaano, markay nool yahiin ee ay cirkaas marayaan lama yaqaano, bilado lama siiyo sida ciidamada kale, haddana waa ciidanka kaliyaata ee 24-ka saacadood heeganka ku jira, markaas anigu waxaan odhan lahaa, dawlad waliba waxay dhacdaa oo ay baabadaa marka Sirdoonku xumaado, dawladna waxay ka bilaabmataa amni waxaanay ku dhamaataa amni, markaas fadlan waxaan odhan lahaa taasi waa mid u taala baarlamaanka xeerka sameeyay, saxafiyiintuna waxba ayaanay ka xanaaqin wax ka badal waa lagu samayn karaa, dibna waa looga wada hadli karaa, laakiin yaan laga dhigin xaalad taagan oo doorasho lagu lago.”

Isagoo ka hadlaya doorashada goleyaasha deegaanka oo ay xumadeedu dalka hayso, wuxuu taliyihii hore yidhi “Ta kale ee aan odhan lahaa waxay tahay doorashadan maanta dhacaysaa waxaad moodaa inay ka duwantahay doorashooyinkii hore, waxay kaga duwantahay laxaadkeeda iyo sida laysugu soo baxay, waxay kaga duwantahay sida laysku urur sanaayo oo qabyaalad ah, waxaad moodaa asxaabtii hore inay sii daciifayso qaar dardar qabaana ay soo baxeen, markaas anigu waxaan ku talin lahaa doorashadaas dadku waa inay ogaadaan oo aanay dalkooda iska baabiin, inay yidhaahdaan nalagama badin karo haddii ay doonaana ay isku yaacayaan, dawlad cago ku taagana ma nihin, markaas dadweynaha waxaan kula talin lahaa ninkii doorasho helaa ha helo ninkii dhacaana asxbaataa kale ha ku biiro.

Waxaan ka duulayaa tabobar aynu hore u qaadanay oo wakhtigu ina baray laba dowladood oo hore ayaynu dhignay, baarlamaan hore ayaynu samaynay, guurti hore ayaynu samaynay,  maayaro hore ayaynu dooranay, tanina wax ay kaga duwantahay ma jirto, haddana waxay kaga duwantahay waxaynu maraynaa meel xaasaasi ah, koonfur oo imika la yagleelayo  iyo inagii oo aad moodo sidii aynu u feejignayn in aynaan u feejignayan, intaas ayaan doonayay inaan  dadka gaadhsiiyo.”

Markii uu General Maxamed Nuur, hadalkiisa dhammeeyay, wuxuu wargeyska Geeska Afrikaweydiiyay su’aalo kala duwan oo sidan u dhacay:

Xeerkan sirdoonka samayntiisa Maxamed adigu wax ma ka ogayd. Waxa ay dadka naqdiyayaa ku doodayaan inay ku jiraan  dhibaatooyin badan oo ay ka mid yahiin in dadka telefoonadooda la dhagaysto, in qofka muwaadinka ahi uu qasab Sirdonka kula shaqayn karo, in warbaahinta la farogelin karo. Xeerkan adigu wax ma ko ogayd samayntiisa?

Intaasu waa wax laga dhimi karo, laakiin intaan anigu ogahay intaasi awalba way jirtay, dhagaysiga tilifoonada awalba waa la dhagayan jiray, Sirdoonka inaad la shaqaysid haddii ay kuu baahdaana waa waajib wadaniya oo nin kasta iyo gabadh kasta oo reer Somaliland ah haysta, difaaca dalkuna waa wadar, qolo gooni uma aha, waxii xun Dimuqraadi ayaynu nahay ee waxa wanaagsan in wax ka badal lagu sameeyo, haddii dhex dhexaad loo baahdana la soo baadho oo dad la tabobaraa jira Ingiriiskana halkan waan uga mahadnaqayaa sida uu inoo caawiyo.

Dad badanu waxay aaminsan yahiin in Sirdoonkii dawladii Rayaale uu ka awood iyo dadaal badnaa dawladan Axmed Siilaanyo, adigu taliye ayaad soo noqotay, imikana xilkii waad ka degtay, bal isbarbardhig ma ku samayn kartaa, dooda noocaas ah’se ma qabtaa?

Doodaas haddaan sax uga jawaabo dawladii hore Sirdoonkeedu waa uu ka yaraa kan maanta jira, dedaalkooduna waa uu ka yaraa, waxay ahaayeen kuwa maanta jooga oo aanay waxba iska badalin wax u kordhay mooyaane. Laakiin waxa isbadalay oo muhiim ah dawladan markay timdi markiiba waxay kala saartay Laantii Socdaalka iyo Sirdoonkii oo isku tababartay, oo kii dhibaato ku dhacdo Laanta Socdaalka loo badalo, kii Laanta Socdaalka ah ee muhiim loo arko dhankan kale loo badalo, waxay ahayeen dad isku duuban oo isku tababartay oo la yaqaano, dawladani markay taas kala tuurtay waxay farogalin ku samaysay habdhaqankii iyo baratakoolkii ay Sirdoonku ku shaqayn jireen, markaas maadaama oo aasaaskii uu xumaaday khasab way imanaysaa in waxyaabo badan oo la dhaliilaa ay jiraan, laakiin ragan maanta joogaa waa kuwii horena u joogay.Hargeysa saddex jeer ayay badbaadiyeen, mashaariicdii aan caalami ahaan u qabanay ama guddo ahaanba waa maashaariic ay Somaliland ku taami karto.

Saddexaad goor ee ay sirdoonku Hargeysa badbaadiyeen ma naga siin kartaa faahfaahin?

Wax saxaafadda loo sheegi karo maaha, laakiin sirdoonku way badbaadiyeen, warbixinuhuna xafiisyada ayay yaalaan, cidda ku shaqada lihina way hayaan.

Maxamed adiga xilka ayuun baa lagaa qaaday, madaxtooyaduna kamay hadal, adiguna maad hadal, maxaad filaysaa in xilka lagaaga qaaday?

Waxa laygu yidhi dawlada ayaad la shaqayn kari wayday.

Oo maxaa jiray ee aad ula shaqayn kari wayday?

Sirdoonku waa laba, markaad taliye tahay ama sirdoonba tahay,waa in aad dawlada kamid noqotaa ama waa inaad ku milantaa ama waa inaad si madaxbanaan u fikirtaa, waayo hawlaha aad qabanaysaa waa hawlo khatar ah oo dabagal u baahan, waana hawlo adag. Markaas markaad dawladii ku milanto oo ka mid noqoto waxa lumaaya shaqadii, ama shaqadaadii qabsataa oo aad u daacad noqotaa dalkaagii iyo shaqadaada, taasina markaas waa inay keentaa khalkhal oo dawladii kala heli maysaan, markaas anigu waxaan doortay in dadkayga iyo dalkayga u shaqeeyo waana tan maanta xiligan aynu marayno markaan ka yaabay saaxibadayna ay igula taliyeen inaan warbaahinta la hadlo, xaqna waan u leeyahay oo nin siyaasi ah baan ahay, xilna dawladii uma hayo, markaas ma arko wax ceebaal ah iyo inaan daafaci waayay waxii xun ee ku imanaya dalka.

Maxaad ku tilmaami lahayd shaqadii kuugu adkayd ee ku soo marta intii aad xilka haysay?

Wada shaqaynta dawlada. Haddaan faah faahiyo waxaad wadataa yool oo waxaad qabanaysaa shaqo, raggii iyo dumarkii ka shaqaynaayay mar walba waxay rabaan in talada ay keenaan aad ku raacdid ama ku diido, markaas marka aad gudbiso taladii waa in wax kaaga soo noqdaan dawladii, taasi may dhaci jirin, waana in marka aad talo gaysid dawladii ay talo kaaga soo noqotaa, waayo sidaad ogtahay madaxweynaha oo kaliyaata ayaad la xidhiidhi kartaa oo cid kale lama xidhiidhi kartid, loomana baahana inaad la xidhiidho, laakiin waxa la rabaa in war uu kugu soo noqdo waxa aad ka yeelaysid ammuurtaas. Tusaale ahaan Khaatumo oo kale waxa ay ahayd amuur adag, oo khatarteeda iyo wax walba lahayd iyo waxyaabo noocaas oo kale ah oo gudaha Somaliland ka socda. Markaas waa inay jirtaa cid kaa dambaysa oo tallo ku siinaysa, waayo had iyo goor taladaadu sax ma noqon karto.

Arrintaas khaatumo oo kale ma ka sii digtay oo ma ka bixisay warbixin hordhac ah.?

Wax badan.

Markaas ma waxa jirtay cid madaxweynaha idiin dhaxaysay, mise madaxweynaha ayaan kugu soo warcelin jirin.?

Adigu taas waxaan kaga baxayaa Khaatumo si wanaagsan ayay u dhacday, waanan is tusay madaxweynaha iyo wasiirka Khaarajiga labadaba nimanka Khaatumo, halkaas oo kale waxa looga baahanaa in dib inta laygu soo noqdo aan markaas talaabadii kale qaado, sidaad  ogtahay hadda waatan dagaal ka socdo Falastiin Sirdoonada  ayaana wada waxa’kan, markaas siyaasiyiinta waxay gaadhaan mar wixii diyaar yahiin oo in go’aan laga gaadho ay tahay.

Imika laftigeeda halka laga abaaray kuwa dagaalamaya, ciidamadu waa ay wadeen in nabad meesha lagu soo dabaalo, oo waanu ka wada soconay, anaguna taas  ayaan waday, hadda sida ay tahayna maaha inaan diidanahay waxaad moodaa inay caadi tahay, laakiin qadiyadii meeshu wali waa ay maqantahay ee ogaoow.

Markaas ma waxaad ka shaqaysay in aad wada hadashiiso  xukuumada iyo qolada Khaatumo?

Maya, shaqadaydu waxa weeye inaan isu keeno, markaan isku keeno waan ka baxayaa, iyagun halkaas kula wareegaan, talaabooyina lay siiyo haddii wax kale layga rabo. Markaas si wanaagsan ayay isku arkeen sidii aan markii dambe warbixinaha ku helay, waana kuwii shirka dhigtay, waxii dagaalo ka danbeeyayna waadigii ogaa oo way kaga baxeen.

Comments are closed.