Guddiga Booyadaha Oo Ka Cabanaya Dawladda, Baaqna Diraya

0
621

Hargeysa(Geeska):-masuuliyiinta iskaashatada booyadaha biyaha u dhaamiya caasimada Hargeysa ee Xareed ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey hab dhaqanka ay kala kulmaan dawladda.

1

Gudoomiyaha iskaashatada booyadaha ee Xareed Xiis Cumar Muxumed oo ugu horayn ka hadlay shir jaraa,id oo ay ku qabteen Hargeysa ayaa waxa uu ka waramay go,aamo ay gaadheen waxaanu yidhi “Arintayadu cabasho maaha ee waa inaanu shaacino go,aan aanu gaadhnay sababta aanu go,aanka u gaadhnayna waxa weeyaan inay dawladu  noo aragto dad sharciga diidan, laakiin sharciga ma diidanin saacad walbana waanu u hogaansanahay dawladuna iyada ayaa na xukunta laakiin waxaanu qaadan waynay tacadi jira, kala war wari mayno askariga waddada taagan anagana hal xero ayaa nagu filnayd oo nalagu baadho oo liisankayaga lagu eego waanan  ogolnahay laakiin todoba meelood oo meel walba lagugu caayayo uma dul qaadan karno, dawlada qaarkeed waxay nagu sheegtay in xaqul xashiish nalaga qaado, quutal daruuri ayaanu wadnaabee goormaanu xashiish soo qaadnay.”

Gudoomiye Xiis oo shaacinaya go,aamada ay gaadheen ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in naloo sameeyo hal goob oo nalagu baadho oo muhiim ah wixii dambi aanu galno nalagaga qaado, qodobka labaad  shilku aduunka wuu ka dhacaa haddii gaadhi shil galo dambi ciqaabeedkiisa isaga ayaa leh heshiiskiisana isaga ayaa leh, miskiinka daba socdaa ee gaadhiga kale wataa ciqaabtiisa xaq uma laha, taasina ciidanka nabad galyada wadooyinka ayey ka dhacaan, arinta sadexaad masuulka dawlada hoose haysta, ka booliska haysta iyo kan ugu sareeya ee madaxweynuhu waa noo wada dawlad, arintayadana inay ka wada tashadaan ayey ahayd haddii ay na siiyeen kab lix bilood ah waxa haboon in anaga nala waydiiyo halka aanu baaqiga ku shubayno.”

Gudoomiye Xiis ayaa ugu dambayn fariin u diray wasiirka maaliyada iyo taliyaha ciidanka booliska “Wasiirada maaliyadu wakhti badan ayey nala shaqaysay imikana waxay nagala xishootay in wax dakhliya iyo wax baadhis ah nagu samayso wakhtiga lagu jiro awgeed waxaanan ka codsanaynaa in lacagta kabka ah ee laga bixiyey booyadaha dawladu siday doonto haku kala qaadatee in nalaga reebo oo baabuurta laga qaado inta baaqiga ku ah, jananka booliskana waxaan leeyahay hadaad qodob soo saartay shan kale ayaa lagu daray, gaadiidka halkaas taagani haday dhigaan adiga iyo taliyayaashaada ayaa ka masuul ah.”

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka  iskaashatada booyadaha ee Xareed Cali Cabdi Shide ayaa isaguna ka hadlay dhibaatooyinka ay la kulmeen waxaanu yidhi “Buugaagtii baabuurti wasaarada maaliyada ayey ku xaraysan yihiin , dawladana heshiis ayaanu wada galnay wakhtigii aanu baabuurta dhignay kaas oo ahaa in lacagta cashuurta ah badh ahaan nalaga bixiyo taas oo loo qaybiyey wakaalada biyaha iyo dawlada hoose, ilaa hada buugaagtiina waxay u xaraysan yihiin heshiiskii aanu wada galnay oo ay dawlada hoose ka baxday, anagana wadada waxa naloo dhigay askarta ciidanka nabad galyada wadooyinka waanay ogyihiin in buugaagtayadii xaraysan yihiin.”

Mid ka mid ah mulkiilayaasha iyo darawalada gaadiidka booyadaha oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu soo bandhigay dhibaatooyinka ay la kulmaan waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay booyadlayaasha arinkan imika na haystaa waxaanu aaminsanahay inuu yahay isku dir layska hor keenayo booyadlayaasha iyo dawlada sababtuna waxay tahay caalamka iyo ilaa dawladii faqash kumaynaan arag Awbarkhadle iyo ilaa suuqa Hargeysa oo todoba kaantarool la dhigay kuwaas oo dhamaantood kaa doonaya lacag, jananka booliska iyo wasiirka arimaha gudaha waxaan leeyahay idinka ayaa shaqadii biyaha rawaxiyey oo wax aanan karayn na waydiiyey.”