Qolooyinka Xamar Xildhibaanada Ka Noqday Mana Hambalyeynayno Mana Habaarayno W/Q: Mahad Ciise Xirsi (Boss)

0
733

Beryahan danbe waxaa saxaafada ku badnaa xubnaha Somaliland ee ku tartamaya golaha shacabka iyo agalka  Senateka ee Somalia, oo ay ku tarmamayeen  meel aan ahayn deeganadii ka soo jeedeen taasi oo macnaheedu noqanaayo in aanay cidna matalin lakiin ay nafahooda  matalaan  oo aynu odhankarno waa niman u shaqo tegay nafahooda.

Hadaba iyadoo ay sidaa tahay innaga iyo Somalia waxaa inoo socday wada hadalo la xidhiidha labada shacab ee Somaliland iyo Somalia,taasoo khuseeysa arimaha

mustaqabalka iyodoo ilaa hada ay jiraan arimo inoo kala soocan iyo arimo aynaan weli ku kala bixin  , taasi oo ay socoto hanaankii loogaga bixi lahaa dhamaan arimahaas weli innaga dhaxeeya oo heshiisyo looga gaadhi lahaa.

Hadaba dadkaas waxaan odhonlaaha waxay qiimo rid ku yihiin sharaftii iyo karaamadii dadkeenii badnaa ee u soo dhintay ama usoo gaajooday xoriyada iyo

wadanoolaanshaha aynu maanto joogno.

Taasi oo imika aad moodo qollada Somalia in ay dantu igu jirto in ay kolba dad ay yidhaahdaan way idin matalaan meel ku ururiyaan oo ay siiyaan cad quudheed, taasoo aan anigu qabo In aynaan geyin habayaraatee oo islamarkaana qiimihii iyo sharaftii aynu lahayna aad hoos ugu dhigaysa haba yaraatee wax dan ahina aanay inoogu jirin halka iyaga ay dan wayni ugu jirto dadkaa ay keensadeen een saami buuxa iyo waxqalma toona aan la siinin.

Waxaan kale oo aad ula yaabay dad badan oo reer Hargeysa oo intay qoraal sameeyaan odhanaya waxaanu hambalyey naynaa hebel oo ku guulaystay kursigaas oo dhaawac wayn ku ah masiirkeena danbe

Waayo hadiiba wada hadal aynu ku dhamaysanlahayn waxaynu qaadan lahayn cad inoo qalma lakiin niman iska tegay oo cid matalin hadana in la hambalyeeyo waxaan u arkaa dhawaac wayn oo soo gaadhay qadiyada Somaliland tan imika jirta iyo teena danbe.  halka xamar cidkasto inaga tagto ay dani igu jirto iyaga oo ay u arkaan dad ay ku shaqaysankaraan oo dood iyo fikir midna la iman Karin lana dhagaysan doonin codkooda, maadaama ay sidaa tahay sabab loogu daalo meesha ma taalo waana arin dadnimadeena iyo jiritaankeena iyo gorgortankeena aynu ilaashananaa  ayaan odhanlahaa Somaliland bulshadeeda

Habaarina mayno dad inala dhashay habaar inaga geyaan lakiin si fiican ha u fikiraan oo dadkiina ha qiima tirina ayaan usoo jeedinlahaa oo meesha iskaga yimaado oo dadkiina dhinac kasoo raaca.

‘Haddal miyaa la waddi’

W/Q: Mahad Ciise Xirsi (Boss)