Dooni Ka Baxday Berbera Oo Qaaday 600 Oo Neef Oo Degtay

0
518

Hargeysa(Geeska)-Doonni lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor ka shiraaqatey dekedda Magaalada Berbera iyadoo sidey ku dhawaad 600 oo neef oo Dibbi oo ay leeyihiin ganacsato Reer Somaliland ahi una sii jeeddey dhinaca dekedda Salaala ee Waddanka Cummaan ayaa gelinkii danbe ee habeen hore ku degtey meel u dhow Dekedda Salaala ee ay ku sii jeeddey.

1

Doonnidan iyo xoolihii saarnaa ayaa gebi ahaantood baddu liqday sida uu Idaacadda BBC u sheegay Wakiilka Doontaas degtey Cabdiraxmaan Cali Warsame halka shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyey.

Wararka dheeraadka ah ee kusaabsan doonnidan degtey qaarkood ayaa sheegaya in dabaylo badda ka dhacayey sababeen in doonnidaasi degto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in dab qabsaday awgeed ay doonnidaasi u degtey.