Guddida Wanaag Farista Oo Ka Digay Dhaqan Xumo Dalka Ku Soo Kordhaysa

0
567

Picture1Hargeysa (Geeska)-Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa ka digay dhaqano xumo dalka ku soo kordhaysa, oo ay ka mid yihiin Khamriga, Xashiishada iyo Dhalinyaro kooxo kooxo u socota oo dadka waxyeelo kala duwan u geysta, isla markaana baadha.

Guddoomiyaha wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid Cabdale oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa Xukuumadda iyo Bulshada reer Somaliland uga baaqay inay wax ka qabtaan dhaqan xumadan ku soo kordhaysa dalka, waxaanu sheegay in dhaqan xumadan oo ay ka mid yihiin Khamriga, Xashiishada iyo Dhalinyaradan dadka baadhaysa aanay ahayn Dhaqanka Islaamka, oo haddii la dhayalsanadana xumaantu sii fidayso, waxaanu yidhi “Waxa aynu nahay dad boqolkiiba boqol Islaam ah, oo ILLAAHAY ku manaystay nimcada Islaamka, laakiin waxa dalka ku soo kordhaya, gaar ahaan Magaalada Hargeysa dhaqan xumo aynaan waligayn hido iyo dhaqan aynaan u lahayn isla markaana Islaanimada lid ku ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhalinyaro aad u yar yar oo kooxo kooxo u soto, hubaysan, oo dadka waxyeelo kala duwan u geysta, dhaawaca, oo baadha wax ay sitaana ka qaata, oo xitta iyagu weeraro isku qaada, oo wax is yeela, wey jiraan in Dhalinyaro badan oo kuwaas ka mid ah la xidhay, laakiin waa in aan la dhayalsan oo gacan bir ah lagu qabtaa”.

 Guddoomiyaha Guddida wanaaga farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdraxmaan Maxamed Mawliid Cabdale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mar walba waxa haboon oo Habluhu ku qurux badan yihiin Guriyaha inay joogaan, waxa se jira Hablo yar yar oo aad u badan oo Suuqyada jooga, oo xittaa qaar Dooxyada jooga, kuwaas oo runtii dhibaatooyin kala duwani soo gaadhyso, Hablo qudha maaha xittaa waxa jira iyana Nimo yar yar oo iyana jooga, markaas waa in aynu wax ka qabanaa, oo Xukuumadda iyada ayaa masuul ka ah ee waa in la raadiya sidii xal loogu heli lahaa Carruurta yar yar ee dayacan.

Dhinaca kale waxa dalka ku soo kordhaya gaar ahaan Caasimadda Khamrigii, Xashiishadii iyo Isbiirtadii, inkasta oo si joogta  ah loo qabto,oo Ciidamada Ammaanku qabtaan, hadda haddii aan Xumaanta la iska kaashan oo cidhib tirkeeda meel aan looga soo wada jeedsan, dhibaatada sidaas ku tagi mayso, oo waxa jira in xittaa imika Isbiirtada la siiyo laba laba kun, oo waa mid ka mid ah fiditaanka dhaqan xumada, markaas waxa aan Xukuumadda Somaliland ugu baaqaya inay ku dadaasho sidii loo cidhib tiri lahaa gacan bir ahna loogu qaban lahaa dhaqan xumadaas, anagu haddii aanu nahay Guddida wanaag farista iyo xuman reebista Somaliland waxa aan mar walba ku dadaalna sidii aanu dadka ugu wacyigelin lahayn dhibaatooyinka iyo dhaqan xumada, iyo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta cibada, ALLE ka cabsiga, wanaag, ammaanka iyo wax walba oo danteena iyo maslaxadeenu ku jirto, qeybaha kala duwan ee Bulshadana xidihidh ayaanu leenahay, Gobolada dalkana waanu ka hawlgalnaa”