Guddida Mihnadaha Caafimaadka Qaranka Oo Kulan U Qabtay Dhakhaatiir

0
680

Hargeysa(Geeska)- Guddida Mihnadaha caafimaadka qaranka ayaa hudheelka Maansoor ku qabtay kulan hal maalin ah u socday Dhakhaatiirta caafimaadka ee goobaha gaarka ah ka hawl gala.

Kulankan oo ay furtay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa u jeedadiisu ahayd in la soo bandhigo habraaca diiwan-gelinta goobaha caafimaadka lagu bixiyo, waxaana ay ugu horayn uga mahad celisay Guddida Mihnadayaasha Caafimaadka qaranka kulankan, waxaana ay xustay inay aad u soo dhawaynayaan ka wasaarad caafimaad ahaa,waxaana hadaladeedii ka mid ahaa  “Runtii kulankan aynu iskugu nimi waa kulan muhiim ah, waxaynu ognahay in la aasaasay Guddida mihnadaha caafimaadka qaranka oo ah guddi ku soo baxay heer Baarlamaan, waxaana aynu uga jeednaa maadaama dalkeenu uu 22-sannadood uu ku jiray xaalado kala duwan maanta waxaynu gaadhnay wakhtigii wax walba la xakamayn lahaa ee ay hoos iman lahaayeen siyaasadaha aynu samaysanay ee aynu ugu talo-galnay inay u shaqeeyaan shuruucda dalka u yaala, golahani waa gole loogu talo galay inuu kaantaroolo cidkasta oo xirfad caafimaad haday tahay goob caafimaad iyo haday tahay goob lagu barto caafimaadkaba waxaynu ka war haynaa in dalkeena uu aad ugu badan yahay wakhtigan xaadirka ah caafimaadka oo iib ah, laakiin caafimaadka la iibinayaa cid hubisa tayada meeshaas taala aanay jirin markaas guddidan xukuumada iyo wasaarada caafimaadka uga wakiil yahay sidii loo qiimayn lahaa caafimaadkaa iib ah iyo dadka xirfadlayaasha ah ee goobahaas ka shaqaynaya iyo goobaha lagu barto caafimaadka, mana aha oo keliya in la kaantaroolayo caafimaadka gaarka loo leeyahay ee caafimaadka guud ee dadka ka dhaxeeya ee Public iyo Private-ka golahani wuu qabanaya oo wuu kaantaroolaya”

Nimco Qawdhan oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Markaas runtii waxaan maanta halkan ka shaacinayaa in bulshada reer Somaliland meel walba oo ay joogaan in ururkani uu shaqadii bilaabay diiwaan-gelintiina uu bilaabay Gobollka saddexaad buu imika ka wada ee Sool oo ay dhawaan ka bilaabeen Gobollada kale ee dalkana waa laga diiwaan-gelinayaa maanta halkaa waxaynu uga baahanahay cid wal oo xirfad caafimaad leh, cid wal oo goob caafimaad leh iyo cid wal oo Dugsi caafimaadka lagu bartaa leh inay la xidhiidho ururka ama golaha xirfadlayaasha qaranka” ayay ku soo gunaanaday hadalkeedii.Picture3

Waxaa iyaduna halkaas ka hadashay oo sharaxaad balaadhan ka bixisay ujeedada kulankaas Guddoomiyaha Guddida Fulinta Guddida Mihnadayaasha Caafimaadka Marwo Luul Jirde Xuseen, iyadoo sidoo kale uga mahad celisay ka soo qayb-galayaashii wakhti ay u soo hureen waxaana ay kula dardaarantay inay casharadii ay kulankaasi ka faa’ideen kaga hawl-galaan goobahooda caafimaad.