Xukuumadda Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Madaxdii Tallo Iyo Tawfiiq Iyo Guddoomiyaha La Xidhay Oo Ka Hadlay

0
513

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha beesha galbeedka Burco ee lagu doortay shirkii Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen Faarax, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhigii xukuumaddu ay xidhay.

Waxa uu meesha ka saaray guddoomiye Xasan Xuseen inay wadeen wax mudaharaad ah, waxaanu sida oo kale sheegay in hadda wax dhib ah aanu u dhaxayn iyaga iyo xukuumadda.

Waxa uu guddoomiyahu sidan ku sheegay waraysi kooban uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo arrimhaas ka hadlaaya uu yidhi“Aniga iyo odayaal kale ayaa xalay(Habeen hore) nala xidhay, wax dhibaato ahina may jirin, markii danbena waa nala soo daayay.wax mudaharaado ah shaqo kumaanu lahayn, qaar aanu maqalnay inay dhaceena way jireen, laakiin anagu maanan arkin kumanaanu jirin,wax dhib ah oo dawlada noo dhaxeeyaana hadda ma jiraan.”

Xukuumadda ayaa habeen hore magaalada Hargeysa ka qabatay labadan masuul, oo shalay barqadii xabsiga laga soo daayay, waxaanu xadhigoodu abuuray dareen xaasaasi ah.