Madaxweynaha Somaliya Oo Baadhis Caafimaad U Tagay Turkiga

0
649

Picture2Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa arrimo caafimaad u tagay wadanka Turkiga, waxaanu shalay u baxay safar kedis ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya  Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sababo caaafimaad u tagay  dalka Turkiga.

Afhayeenka oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in madaxweynaha uu baadhitaan caafimaad ku mari doono Dalka Turkiga, sidoo kalena uu muddo kooban la soo joogi doono qoyskiisa oo ku nool dalka Turkiga.

Wuxuu ku sheegay Yariisow sababta keentay in uu Madaxweynaha u baxo baadhitaan caafimaad oo dibadda ah in madaxweynaha uu si aad ah u soo shaqeynayay muddadii uu xilka soo hayay, sida uu yidhina ay caadi tahay in madaxweynaha uu caafimaadkiisa baadhitaan ku sameeyo.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sii maray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kaddibna safarkiisa sii watay.