Guddi Ka Socday Xuquuqal-Insaanka Midowga Yurub Oo Kulamo La Yeeshay Dhiggooda Somaliland

0
639

Hargeysa (Geeska)- Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan Xuquuqal-insaanka oo socdaal ku yimi Somaliland ayaa soo dhoweeyey doorashooyinkii  deegaamada ee dhowaan dhacay,  isla markaana kulan albaabdu u xidhnaayeen muddo saacado ah la yeeshay Koomiishanka Xuquuqal-insaanka Somaliland.

Kulankaa oo xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee UNPOS soo qabanqaabiyey laguna qabtay huteel Ambassador shalay ayey labada dhinac wax iska weydiiyeen xaalada xuquuqal-insaanka Somaliland, isla markaana Guddiga Midowga Yurub ku dhiirigeliyeen xukuumada inay sii wado hanaanka dimoqraadiyadda Somaliland, isla markaana wax laga qabto dhibaatooyinka xilliyada qaar dhaca.

Kulankaa oo dhamaadkiisi shir jaraa’id labada dhinac wada qabteen ayey ku sheegeen in isafgarad ka gaadheen qodobadii laga wada hadlay, isla markaana guddida EU ballanqaadeen inay taageero dhaqaale siin doonaan hadii Xuquuqal-insaanka Somaliland si madaxbanaan hawlahooda u gutaan.

Qunsulka arrimaha siyaasada u qaabilsan safaarada Denmark ee Nayroobi, ayaa sheegay in doorashadii Deegaamadu si cadaalad ah dhowaan Somaliland uga dhacday, “Aad baan u soo dhoweynaynaa doorashadii dhowaan sida cadaalada uga dhacday Somaliland iyo geedi-socodka nidaamka dimoqraadiyadda inuu sii socdo.” Isagoo raaciyey, “Waan soo dhoweynaynaa yareynta da’dii ka qeybgalka doorashooyinka.”

Guddiga Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey caqabado mararka qaar la soo gudboonaada saxaafadda Somaliland, iyo saamiga loo qoodeeyey beelaha laga tirade badan yahay iyo haweenka.

Farxiya Xuseen Jaahuur, madaxa Xuquual-insaanka Somaliland, oo halkaa ka hadashay ayaa cadeysay in hay’adoodu tahay mid si madaxbanaan u shaqeysa, xukuumaduna faraha la gelin shaqooyinkooda, una taagan ilaalinta xuquuqal-insaanka muwaadiniinta reer Somaliland, “Waxaan saxaafada u marinayaa, una sheegnay guddiga Midowga Yurub in hay’ada Xuquuqal-insaanka Somaliland si madaxbanaan u shaqeyso, xukuumaduna faraha la gelin shaqooyinkooda, una taagan yihiin ilaalinta xuquuqal-insaanka muwaadiniinta Somaliland.”

Kulamada labada dhinac ayaa la sheegay inay sii socon doonaan, mustaqbalkana la filayo inay kuwo kale yeeshaan.