Budhcad Badeed Seychelles Lagu Soo Xukumay Oo La Keenay Dalka Somaliland

0
605

Hargeysa(Geeska)-Tiro maxaabiis budhcad-baddeed oo ku xidhnaa wadanka Seychelles ayaa shalay saddex ka mid ah la keenay Somaliland, halkaas oo ay Xukuumaddu kula wareegtay, iyadoo sidoo kale maalmo ka hor la keenay sagaal ka mid ah maxaabiistaasi ku eedeysnaa budhcad-baddeed laguna xukumay wadanka Seychelles.

Agaasimaha fullinta xafiiska ka hortagga budhcad-baddeeda ee Somaliland Maxamed Cismaan Axmed oo faahfaahin ka bixiyay tirada maxaabiista ee ay la wareegeen iyo danta qaran ahaan ugu jirta haynta maxaabiistan xukuman, waxa yidhi. “Waxaa maanta [shalay] la keenay saddex, shalayna waxaa la keenay sagaal maxbuus, bishii Maarijna waxaa la keenay toddoba iyo toban maxbuus, iyadoo wadarta guud ee aanu la wareegnay ee maxaabiistani ay noqonayaan sagaal iyo labaatan maxbuus oo ku yimi heshiis ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Dowladda Seychelles heshiiskaasi oo 22-kii February ka dhacay magaaladda London ee wadanka UK.”

Agaasimaha fullinta ee ka hortagga budhcad-baddeeda ee Somaliland ayaa tilmaamay meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan maxaabiistani, isagoo arrintaasi ka hadlaayana waxaa uu yidhi. “Maxaabiistani waxay u dhasheen wadanka Soomaaliya gobolka Galkacayo iyo Galguduud iyo wixii koonfur ka sii xiga, waana mid beesha caalamku heshiis kula gashay haynta maxaabiistani inta loo helayo meelo lagu xidho Somaliland ay kaga qaybgasho la dagaalanka budhcad-baddeeda maxaabiistanina waxa lagu xukumay wadanka Seychelles halkana waxay maxaabiistaasi ku dhamaysanayaan xukunkaasi qofkuna isaga ayaa soo dalbanaya inuu xabsigiisa ku qaato Somaliland, ka dib cadeynta dalabkaasi ayaa Wasiirka Arrimaha Guduhu ee Sychelles uu usoo gudbinayaa, Wasiirka Caddaalada ee Somaliland heshiiskuna waxa uu dhigaya qofka la soo wareejinaya waa qof Ajaanib ah dhaqan ahaana la wadaaga Somaliland oo ka dhexeeyo af iyo diin xilligga ay dhisanto Wadanka Soomaaliya lacala waa mid ay la wareegi karaan marka beesha caalamku uu aragto inay noqon karto meel lagu aamini karo maxaabiistan.”

Agaasimaha ka hortagga budhcad-baddeeda ee Somaliland oo ka hadlay faa’iidada heshiiskaas ugu jirta Somaliland ahaan ayaa waxa uu yidhi “Budhcad-baddeedu waxay ka mid tahay mushkiladaha Somaliland iyo adduunka oo dhan, wax kasta oo aynu soo waaridno waxaa saaran 30$ boqolkiiba soddonkaas oo ah kharash budhcad-baddeed waxay samaysay shaqadii iyo ganacsigii dekkedda Berbera, waxaa beesha caalamku inagala shaqaynaysaa in kaabayaasha dhaqaale iyo kala danbaynta bilayska Dowladnimadeenuna sii dhisanto, isla markaana marba marka ka dambaysa aynu sii xoogaysano. Dalkeenu waxaa qayb laxaadle kaga jiraa dowladaha ay ka go’an tahay ka hortagga iyo la dagaalanka budhcad-baddeeda.”

Ugu dambeyntii waxa uu agaasimuhu cadeeyay qaabka ay ehelladda maxaabiistani u soo booqan karaan, waxaanu tilmaamay in ehelladda maxaabiistani oo xukun ku dhacay la ogol yahay inay ku soo booqan karaan xabsiyadda Somaliland.