Hooyo Dhul Ay Ku Dacwoonaysay 21 Sanadood Kadib Markii Loo Xukumay Sheegtay in Cadaalad Daro Ay Kala kulantay Gudoomiyaha Maxkamada Sare

0
565

Hooyo Saado Cali Miigaag ayaa cabasho xoogan ka muujisay gudoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil inuu cadaalad daro xoogan kula kacay, isla markaasna uu awood u siiyay nin markhaati u ahaa 21 sanadood inuu ku qabsado dhulkii hadana.

Waxa hooyo Saado sheegtay in dacwad socotay mudo 21 sanadood kadib  maxkamadu ay sifo sharci ah ugu xukuntay dhulkoodaas, intaas kadibana markhaatigoodii wakhtiga dheer ahaa uu ku qabsaday dhulkaas isaga oo intaaba ku d haarnaayay in iaanu dhulkaas leenahay, waxaanay sheegtay In ninkan uu markhaati ugu ahaa maadaama oo uu sodan sanadood ka hor uu ka iibiyay dhulkaas markhaatigana uu sidaas ku furaayay mudadaas dacwadu socotay.

Hooyo Saado Cali Miigaag waxay ugu baaqday wasaarada cadaalada iyo xukuumadaba in cadaalad daradaas ay ka cabanayso wax laga qabto. Waxaanay hadalkeeda ku bilawday sidan “ Dhulkaas agoonbaa iska leh, walaalkay oo markaas noolaa waxa uu ku dacwiyayay 11 sanadood aniguna toban sano oo ka danbeeyay, dacawadaas waxaanu wadnay 21 sanadood, aakhirkii  markaanu heerarka kala duwan ee maxkamada dalkeena aanu marnay dhulkayagii ayaa sifo sharci ah naluugu xukumay, waxaase dhacday ibtilo kale 21-kaas sanadadood markhaatigii ku dhaaranayay inaan dhulkaas leenahay oo waliba isagu uu naga iibiyay gal-dacwadeed kastana sidaas ugu qornaa ayaa dhulkii nagu qabsaday.”

“ Si kalena nooguma qabsadeene waxa uu awoodiisa isticmaalayaa gudoomiyaha maxkamada sare oo ay qaraabo yahiin,runtii gudoomiyaha maxkamada sare waxa uu nagu sameeyay awood sheegasho cad waxaanu damcay inuu ninkaas dhulkayaga qayb ka siiyo, waxaan qayb kamid ah la burburiyay seeskii dhulkaas, markii aan khasaarahii soo qoranay ee dacwad aanu ninkii ku soo oognayna waxa hadana mar kale is hortaagay gudoomiyaha maxakamada sare, waxaanu damacay inuu awood noogu qaybiyo dhulaas anaga iyo markhaatigayagii.” “ Waa agoon caruuta dhulaas leh, waxaan cabasho u gudbinay wasaarada cadaaalada, arimaha gudaha iyo waliba xafiiska xidhiika dadweynaha ee madaxtooyada, maanta waxa nagu kalifay inaan warbaahinta soo marino in la arko sida uu awoodiisa ugu tagrifalaayo gudoomiyaha maxkamada sare ee uu noogu sameeyay cadaalad darada. Waxaanu codsanahynaa in  cabashadayadaas dib loo eego ninkaasuna uu baxiyo khasaaraha dhulkaas aanu meel u soo marin dhismii ka dhisnaa uu ku burburiyay.”