Gorfayn kooban oo ku saabsan weerarkii Paris

0
647

Picture1Weeraro haybsan oo si xirfad sare leh loo soo abaabulay ayaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay (13 Nov) lagu qaaday caasimadda dalka Faransiiska. Hawlgalku wuxu ahaa mid siyaabo kala gaar ah isla hal mar u qaaday falal kala duwan oo isugu jiray is-qarxin, rasaasayn iyo af-duub. Wuxuu ahaa weerarkii ugu waynaa ee ilaa hadda Daacish ku qaado Yurub dhexdeeda. Waxa ku dhintay dad shacab ah oo aan hubaysnayn dagaalna ku jirin.

Qaabka loo qaaday weerarka wuxuu muujiyay kaarto wayn oo ay awood u yeelatay Daacish inay weerar caynkan oo kale ah ka fuliso dal Yurub ku yaal. Waxa su’aalaha la is waydiinayaa yihiin xagee baa lagu soo tabobaray dagaal yahanadan? Sidee bay awood ugu yeesheen inay si habaysan uwada xidhiidhaan iyada oo aanay dareemin sirdoonka Faransiisku?

 Inkasta oo Yurub u toog haysay gacan ka hadal kaga yimaado Daacish, hadana ma ahayn weerar farsamadan sare lihi mid la filayay.

 Waxa loo aqoonsaday inuu ahaa weerarkani kii ugu xumaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 2004 markii la weeraray khadka tareenada ee caasimadda Spain. Waana weerarkii ugu xumaa ee Faransiiska soo maraa tan iyo tagaalkii labaad aduunka.

 Maxaa loo bar tilmaameedsay Paris?

Sababaha keenay in Daacish ay bartilmaameed sato Paris waxa loo kala qaadi karaa kuwo gudaha ah iyo kuwo debedda ah.

Sababaha gudaha ah

Faransiisku waa dalka ugu Muslimiinta badan qaarada Yurub. Dadka Muslimiinta ah ee dalkaas degani waa kuwo nolol hoose oo aan muuqan ku nool wax waynna ka tirsada nidaamka. Waxa la qiyaasaa in 70% dadka xabsidaya Faransiiska ku jiraa ay yihiin Muslimiin. Xabsiyada dhexdooda ayaa dad badani ku bartaan aragtida xag jirnimada ah.

 Waxa ku sahlan Faransiiska qul qulka hubka iyo helidiisa. Ciidamada ammaanka laftoodu miisaaniyadda lagu bixiyaa maaha mid sidaas u buuran. Labadii sano ee u danbeeyeyna waxa ku socday dib u habayn si ay awood ugu yeeshaan inay iska celin karaan falalka argagixiso.

Dhalinyaro badan oo Muslimiin ku nool Yurub ah ayaa ku biira Daacish oo aragtidooda la dhacsan. Wararka hordhaca ah ee ilaa hada la helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday oo la cadeeyey cidda uu yahay la aqoonsaday inuu yahay Faransiis. Taasina waxay sii xoojinaysaa werwerka Yurub oo dhami ka qabto in muwaadiniintooda aadaysa Suuriya iyo Ciraaq ay dib ugu soo noqdaan Yurub oo ka geystaaan weeraro.

 Sababo debedda ah

Faransiisku wuxuu hormood wayn ka yahay dagaalka lagula jiro Daacish. Duqayn ayuu ka geystaa inta badan Ciraaq isaga oo dhowaan ku sii fiday Suuriya. Wuxuu sidoo kale hawlgallo ka fuliyaa Faransiisku dalalka Maali iyo Liibiya.

  Daacish guud ahaan waxay bartilmaameedsanaysaa Yurub sidaadarteed waxay weerar ku qaadi kartaa hadba dalkii ay u aragto inuu dagan yahay.

Maxaa ka dhalanaya weerarkan

Weerarkani wuxuu ku abuuray walaac wayn dadka Muslimiinta ah ee degan wadamada Yurub kuwaas oo horeba cadaadis uga haystay siyaasiyiinta iyo dadka midigta fog ah oo nacayb u qaba soo galootiga iyo Muslimiinta. Waxa suurtagal ah in weerarkani fursad siiyo siyaasiyiinta midigta fog ah inay xukunadda dalalka Yurub qabsadaan.

Waxay sidoo kale keeni kartaa in jawaab cadho ku salaysan ay ka bixinayaan dawladaha reer galbeedka oo sii xumayn karta xaalaadda.

Waxay tusaale u tahay in dagaalka ka dhanka ah Daacish aanu ahayn mid farsamo miyir ku salaysan ku socda islamarkaana xalku aanu ahayn dagaal balse uu ku jiro xal siyaaseed oo loogu maaro helo dhibaatooyin dhawr ah oo ka jira Barigga Dhexe.

Guuleed Axmed Jaamac

Centre for Policy Analysis

www.centerforpolicy.net

Email: cpa.hornofafrica@gmail.com