Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Daakhiliga Oo Xilkii Kala Wareegay Masuulkii Hore

0
654

Picture2Hargeysa (Geeska )-Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee uu dhawaan Madaxweynuhu magacaabay Cabdifataax Siciid Axmed ayaa si rasmiya xilkii ugula wareegay agaasimihii hore ee wasaaradasi arimaha gudaha Cabdisamad Cumara Maal,  waxaana Munaasibadii ay xilka kula kala wareegayeen labadan Masuul oo ka dhacday Shalay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha ka soo qayb galay xubno wasiiro ah iyo maayarada magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Gabilay, masuuliyiin ka tirsan dawlada Xildhibaano iyo waliba shaqaala waynaha wasaaradaasi.

Waxaana ugu horayn munaasibadaas  ka hadlay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta  ee Wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Cismaan Dubbe, isagoo uu  hadalkiisu ahaa mid soo dhawayn iyo dhiiri-galin ah  waxaanu halkaasi uga mahad celiyay agaasimiihi hore ee wasaardan, oo uu sheegay in wax badan la soo qabtay Wasaaradda,

Maayarada Magalooyinka Hargeysa,Berbera Iyo Gabilay oo iyana halkaas ka hadlay ayaa hadaladoodu waxa ay ahaayeen qaar iskugu jira  dadaaran iyo  soo dhawaynta agaasimaha cusub illahayna uga baryay in xilkaasi uu ku asturo una mahada celiyay agaasimihii hore ee wasaarada arimaha gudaha iyagoo ku sifeeyay shakhsi hawl-kara oo dadka iyo dadkaba daacad u ahaa kana soo baxay xilkiisi.

 

Agaasimihii hore ee wasaaradaasi Cabdisamada Cumar Maal oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay wax qabadkii intiii uu joogay wasaaradan in mashaariici tiro badan ay ka fuliyeen magaalooyinka ay ka midka yihiin Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama, Sheekh, Oodwayne oo uu sheegay in dhamaan wax qabad la taaban karo ka sameeyay magaalooyinkaas, waxaa isna ereyo kooban ka jeediyay halkaasi agaasimaha cusub Cabdifataax Siciid Axmed waxaana uu carabka ku dhuftay in uu wasaaradan uu ku soo kordhin doono wax yaalo cusub.

Ugu dambayntii  waxa labadan Agaasime  xilalaka u kala wareejiyay wasiir ku xigeenka gobolada iyo dagmooyinka wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada somaliland Jaamaca Cabdilaahi warsame (Biin) isagoo sii sagootiyay agasimihii hore ee wasaardaasi Cabdisamada Cumara Maal soona dhaweeyay agaasimaha cusub ee wasarada loo soo magaacabay Cabdifataax Siciid Axmed isgoo ilaahay uga barayay in shaqadaas cusub ee loo soo magacaabay u fududeeyo.