Googooska Maanta Iyo Mar Kale Iyo Qisaskii Murtida Iyo Maaddayska Ahaa Ee Juxa

0
657

Hargeysa (Geeska)- Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Juxa dameer uu lahaa iibiyey, dameerkan oo aad u xoog iyo caafimaad badnaa lacag aad u badan ayaa laga siistay waxa aanu ku soo iibsaday dahab fara badan.

Juxa in kasa oo uu arkayey lacagta tirada badan ee dameerkiisa laga siistay, haddana waxa uu u qaadan waayey in ay xaddi intaas le’eg oo dahab ah u goysay. Isaga oo aad ugu faraxsan dahabka tirada badan ee dameerkiisii u soo gooyey ayaa uu gurigii ku soo noqday, markii uu gurigiisa yimid Juxa waxa uu la dawakhay halkii uu dahabkaas ku  qarin lahaa.

Tuugta oo keliya kama uu qarsanayn balse waxa kale oo uu ka qarinayey xaaskiisa oo uu kala bakhaylayey in ay dahabkaas is qurxin u qaadato ama si uun uga fara saarto. Cabbaar markii uu fikirayey kadib waxa uu helay halkii uu dahabkaas ku qarin lahaa, waxa uu isku qanciyey in aanu gurigiisu aamin u ahayn dahabkaas, sidaa awgeed xilli aanay dadkii tuuluhu arkayn ayaa uu bannaanka tuulaha oo ahaa ban lama degaan ah.

Juxa waxa uu dahabkii ku aasay meel ciid badan, waxa aanu doonayn in si aanu u garan waayin uu u sameeyo calaamad isagu uu ku garto, laakiin cid kale aanay ku dareemin in meeshan wax lagu qariyey, haddii uu hareeraha eegay geedna arki waayey waxa uu eegay cirka, waxa aanu arkay daruur madow oo ku beegan godka uu dahabka ku aasay dushiisa. Juxa waxa uu naftiisa u sheegay in daruurtaasi ay u ahaato calaamad uu ku garto godkan dahabku ugu jiro.

Gurigiisii ayaa uu iska tagay, muddo toddobaad ah kadib ayaanu ku soo noqday meeshii si uu bal hadda u soo hubiyo in dahabkii halkiisii ku jiro. Illeen, dabayshii lama degaanka ayaa ciiddii oo dhan isu xaadhay oo raadkii iyo qodaalka calaamadihiisii waa ay tirtirmeen, cirka ayaa uu eegay si uu u arko calaamaddii daruurta ahayd, laakiin waa saafi aan caad yarna lagu ogeyn. Juxa bakhaylnimadii keentay in dahabka uu xaaskiisa kala ordo iyo fulaynimadii uu tuugta ka ordayey ayaa isu biirsaday oo dahabkii halkii ayaa uu ku waayey.