Google Oo Suurtogelisay In Laga Dhex Dirsado Farriimo Qoraal Iyo Cod Ah (Talefanno) Oo Bilaash Ah

0
651

Washington (Geeska)- Shirkadda Caalamiga ah ee Google ayaa ku dhawaaqday adeeg suurtogelinaya in qofka isticmaalayaa uu talefanno bilaa lacag ah u dirsan karo meel kasta oo dunida ah. War ay shirkaddu ku baahisay bog ay ku leedahay Internet ka oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Akhbaar Aal’aan ayaa ay shirkaddu ku sheegtay barnaamijkan ay ka faaidaysan karaan dhammaan macaamiisheeda isticmaalaya talefannada casriga ah ee ku shaqeeya barnaamijyada Android ama iOs. Shirkadda Google waxa ay sheegtay in shabakaddeeda Barkulanka-bulsho ee loo yaqaanno hangouts ay macmiilka u suurtogelinayso in uu la hadlo cid kasta oo sidata talefan isla barnaamijkaasi u shaqaynayo.

Qofku in uu ku hadlo barnaamijkan waxaa ka xiga keliya in haddii uu sito talefan ku shaqaynaya Android ama Apple uu galo Google Play ama Apple Store hadba ka uu sito, si uu uga soo dejisto barnaamijka Hangouts Dialer kaas oo ah ka u suurtogelinaya in uu diro talefan bilaa lacag ah. Sidoo kale qofku waxa uu si toos ah u tegi karaa bogga hangouts.google.com si uu isaga uga dhex dirto talefanka uu u baahan yahay.