Goleyaasha Deegaanada Ee Gabiley, Baligubadle Iyo Salaxley Oo Doortay Maayaro Iyo Ku Xigeeno

0
1211

 

breakingnewsHargeysa(Geeska)-Goleyaasha deegaanada degmooyinka Gabiley, Baligubadle iyo Salaxley, ayaa shalay si rasmi ah u doortay maayaradii iyo ku xigeenadii hoggaamin lahaa, ka dib markii la dhaariyay.

 

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Gabiley ee dhawaan la soo doortay ayaa shalay si rasmi ah loo dhaariyay, waxaanay munaasibada dhaarinta ka dib doorteen maaayar iyo maayar ku xigeen.

Mudaneyaasha cusub oo ay hoolka shirarka ee dawlada hoose ku dhaariyeen garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex , ayay xildhibaanadu isla goobta dhaarintu ka dhacday ku yeesheen fadhigoodii u horeeyay, waxaanay maayarka cusub u doorteen Md Shucayb Maxamed Muuse, oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE, waxaana u codeeyay 15 mmudane oo ka tirsan 21 xildhibaan ee golaha deegaanka Gabilay,  halka xildhibaankii jagada duqa Gabiley kula tartamayay oo ah xildhibaan cali Maxamed sh.Salebaan uu helay 6 cod. Maayar xigeenka Gabilay waxa isna loo doortay Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay ururka Umadda, waxaanu helay 12 cod, halka xildhibaankii maayar xigeenka kula tartamayay uu helay 6 cod, waxaanu ahaa Cali Maxamed Sheekh Saleban.

Sidaas oo kale xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Balli-gubadle oo shalay  yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ee rasmi ah ayaa ka dib markii la dhaariyey waxay doorteen Maayar-ka iyo Maayar ku xigeenka cusub ee ay yeelan doonto magaaladaasi.

Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha sadex iyo tobanka ah ee xildhibaanada golaha deegaanka waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Hurre Xuseen.

Jagada Maayar-ka Magaalada Bali-gubadle ayaa waxa ku tartamay labada xildhibaan ee kala ah Cabdi Iimaan Jaamac (Gurey) oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE  iyo Sacad Xariir Cumar oo ka soo baxay ururka Xaqsoor. Xubnaha saddex iyo tobanka ah ee ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa 7 ka mid ahi waxay Maayarka  balligubadle u doorteen Cabdi iimaan Jaamac (Gurey), halka uu xildhibaan Sacad Xariir isna helay 6 cod.

Md. Mowliid Jaamac Yuusuf oo aan cidina kula tartamin jagada Ku xigeenka Mayor-ka ayaa isna noqday maayar xigeenka Baligubadle, waxaana u codeeyey sagaal xildhibaan waxana ka aamusay saddex.

Golaha cusub ee Degaanka Degmada Sallaxley ayaa iyaguna doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen ka soo jeeda xisbiga Ucid. 7 Xildhibaan oo ka mida Golaha cusub ee Degaanka Sallaxley oo shalay yeeshay fadhigoodii ugu horeeyay ayaa  Maayarka cusub ee Degmada u doortay Maxamuud Ibraahin Xandule. Sidoo kale waxay golaha cusub ee degaanka Sallaxley u doorteen inuu noqdo Maayar ku xigeenka degmada Naasir Cabdi IImaan, waxaanay wararku sheegayaan inay fadhigaas ka maqnaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Salaxley.