Xildhibaan Dogox Oo Ka Hadlay Doorashadii Maayarka Hargeysa, Xukuumaddana Eedo U Jeediyay

0
747

 

dogoxHargaysa( Geeska )- Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi ( Dogax ), oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa, balse aan ka qayb gelin munaasibadii dhaarta iyo doorashadii maayarka Hargeysa,   ayaa doorashadii maayarka iyo ku xigeenkiisa ee magaalada Hargaysa ku tilmaamay mid xaaraan ah oo aan wax qabad fiicaana laga filan karin. Mr. Dogox, wuxuu u sharaxnaa maayarka caasimadda Hargeysa.

 

Waxa uu  xildhibaan Dogax sheegay in kulankaasi uu ahaa mid loo habeeyay maayarka, isla markaasna uu ahaa kulan ay xukuumadu afduubtay, waxaanu ugu danbayntii sheegay in uu la shaqayn doono maayarkaas cusub.

Waxa uu sidan ku sheegay Saleebaan Dogax shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, waxaanu ugu danbayntii sheegay in afduubka kulankaas lagu damacsanaa in rabshado lagu kaciyo balse ay arintaas ka feejig-naadeen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Waxaan halkan idiinku yeedhnay in aan idiin sheegno sida ay wax u dhaceen oo afduub ahayd iyo sidii wax loo doortay oo aan ku koobnayn Hargaysa oo kaliyaata ee ka dhacday wadanka magaalooyinkiisa oo dhan, waxa ugu horeeya oo aan doonayaa inaan si toos ah u taabto maalintii wasiirka arimaha gudahu uu qadada noo sameeyay waxa uu noo sheegay in ay tahay maalin qado oo ay u baahantahay marka fadhiga la qabanaayo inuu anaga nagala tashado, halkaas oo aanu ku calaamadin wax tilaamaya in baritoole la qaban doono shir oo lagu fadhiisan doono waxna lagu dooran doono ama dhaarba la qaban doono.”

Xildhibaan Saleebaan Dogax oo hadalkiisa sii wataan waxa uu yidhi“ Badhasaabka cusub ee la magacaabay ayaa halkaas joogay Xamarji isaguna wax uu noo sheegay ma jirto idaacado wax laga sii daayay ma jirto, waxaan ku war helnay laba iyo tobankii habeenimo in dad is urursadeen oo meel lagu xidhay oo bari meel lagu soo kalahaayo oo la dhaarinaayo, markaan badhasaabka waydiiyay ee aan idhi maxay sidaasu ku dhacdayna inaad ogtahiin ayaan moodayay ayuu igu yidhi waana ninkii nasoo ogaysiin lahaa, toban xildhibaan oo aan kamid ahaa cid nasoo ogaysiisay ma jirto, subaxii ayaa laysugu yeedhay markii aanu soo toosnay iyada oo aan wakhti iyo goob toona naloo sheegin, waxaanan ku soo toosnay iyada oo maayar iyo maayar ku xigeenba la doortay, anigu taas waxaan leeyahay si xaaraan ah ayay u dhacday, maayar la doortay ma jiro, laakiin waa la magacaabay maayarka, waxase la doonayaa in laga faa’idaysto oo wadanka qas laga kiciyo ujeedo kalena waa laga leeyahay.”

Dogax oo hadalkiisa wali sii wataana waxa uu yidhi  “ Maarka la doortay wax naga dhexeeya ma jirto, wax dhibaato ahna nama dhex marayaan haddii isaga la soo magacaabay oo meesha la keenayna, waxaanan jeclaan lahaa inuu sidaas si ka wanaagsan ku iman lahaa waanan ugu hanayn  lahayn, laakiin haddii la soo magacaabayna uga tagimaynee waanu la shaqaynaynaa waanan ku ilaalin doona inuu shaqada si wanaagsan u qabto, laakiin waxaanu sheegaynaa inaan mar walba anagu aaminsanahay inay yahiin maayar iyo ku xigeen la soo magacaabay ee aanay ahayn kuwo la soo doortay. Waxaan in badan soo jeediyay si doorashadu  u xalaaloowdo, waayo horaa loo yidhi hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho, xaaraanta maanta lagu bilaabay waxa ka soo baxi doona cawaaqib xumadeeda ayaan aad uga xumahay si ay noqon doontaba, waxa ka wanaag sanaan lahayd inta la soo fadhiisto qofku haddii uu is hubo oo uu haysto codkiisii inuu soo fadhiisto miiska oo uu yidhaahdo ha’laynoo codeeyo imikaba taasna aad ayaanu ugu farax’sanaan lahayn diyaarna waanu u ahayn hadii aad tartan galayso in aad badiso iyo in lagaa badiyo labadaba,”

Xildhibaan Saleebaan Dogax oo hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi “ laakiin haddii lagu boobo oo lagu dhaco ka ku boobayna sharaf xumay ku tahay kuwa wax la boobayna sharaf xumay ku tahay, laakiin anaga oo nala boobay sharaf xumo naguma aha anagana waxa nala haboon in aan xaaladaas dhacday laga faa’idaysan oo aanay dhibaato ka dhacin oo aanay caruuri ku dhiman, taas ayaanu la aamusnayn waanan diidnay inta dareenku taagan yahay inaan hadalno oo dabka aanu baasiin ku sii qabano, waxaan filayaa in aan tan lagu eedayn karin ninka maayarka loo soo magacaabay laakiin waa mid ay dawladu ka masuul ahayd, dawladu badhasaab ayay soo magacawday sida la ogyahayna hadda ayuu danbi ka soo baxay anbiil ay xeer ilaalintu ka qaadatay ayaana wali yaala, maalintii la soo magacaabay maalintii ku xigtayna fadhibaa la qabtay waxaad arkaysaa qaabka loo soo dhisay ee loogu talo galay in uu hawshan fuliyo, waayo caqliga ma gasho laba nin oo isku reer ah in midna badhasaab loo soo magacaabo midna maayar loo habeeyo.”

Ugu danbayntii waxa uu Xildhibaan Saleebaan Dogax farriin uu u diray xukuumadda oo uu ugu baaqay inay faraha kala baxdo goleyaasha deegaanada ee dalka, “ Arintan wasaarada arimaha gudaha ayaa ku shaqo leh arimhii hore ee dhacayna iyada iyo komishanka ayaa ku shaqo lahaa,dulmigii Xaqosoor laga galay waa la wada ogaa, waxa ka sii daran in magaalo walba maayarkeedii iyo ku xigeenkiiba laysku wada haysto oo dhibaato ka taagan tahay.Waxaan dawlada u soo jeedinaynaa in ay faraha kala baxdo doorashooyinka goleyaasha deegaanka, waxay ahayd inay ka bilaabaan komishankii waxan oo dhan sameeyay oo aan ahayn in la eryo ee ay tahay in maxkamad la saaro, imikana ururada soo baxay waa la magacaabay maayarada soo baxayna waa la magacaabay, wax doorashoo loo galay oo cadceeda loo taagnaana lama garanaayo, aniga oo aan hadalka ku dheeraanayan maayarkan waanu la shaqaynaynaa, waanan u dhaaran doonaa xillaas naloo igmaday dadbaanu matalaynaa uga tagi mayno haddii loogu talo galay ina aanu uga tagno, waanu la shaqay’naynaa oo waliba shaqada ayaanu ku ilaalinaynaa, laakiin dawladan sare ka aqbalimayno inay faro  galin ku hayso.”