Maareeyaha Haamaha Shidaalka Oo Kaalmaha Shidaalka Ugu Baaqay Inay Jabiyaan Qiimaha Jebiyaan

0
671

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera  Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa ka waramay halka uu marayo qiimaha Shidaalka ee Dunidu, waxaanu sheegay in Qiimaha Shidaalka ee Suuqyada Caalamku ay hoos u dhaceen, isla markaana Shirkadaha Shidaalka soo dejiya ee dalka keena ay  jabiyeen hoosna u dhigeen Qiimaha Shidaalka, balse ilaa hadda Kaalmaha Shidaalka ee Somaliland ku iibinayaan qiimo sare, oo aanay jabin, waxaanu ugu baaqay inay jaibyaan qiimaha Shidaalka.

Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera  Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo Shalay Shir jaraa’iid qabtay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay tayada Shidaalka ee dalka yimaada, waxaanu sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, waxaanu caddeeyey inay dhawaan dalka keeni doonaan Laab lagu baadho Shidaalka si loogu ogaado Shidaalka tayada leh iyo Shidaalka aan tayada lahayn ee xabagta leh, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Runtii Qiimaha Shidaalka ee Suuqa Caalamiga ahi aad buu u jabay, Kombaniyada inoo keena oo ah Shan Shirkadood oo aanu runtii tixgalin weyna u hayno iyaguna waa jabiyeen, Waxaanse wali Shidaalku ka jabin Suuqyada iyo Kaalmaha, maadaama oo Kambaniyadii inoo keenayay Shidaalku jabiyeen Qiimihii Shidaalka, waa in Kaalmuhuna jabiyaan oo aanay dadkooda ku tacadiyin oo isbedelka Suuqa ay la socdaan”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka suuqa wax ku kordhaan markiiba Bulshadu way dareemaan, marka Qiimaha Suuqa wax ka dhin maana waa inay dareemaan, Markaa dhawr maalmood baanu eegaynay in Kaalmuhu isbedel sameeyaan laakiin wali may samayn wax isbedel ah, markaa waxaanu Dadka Kaalmaha leh ugu baaqaynaa inay dadka Sixirka ka jabiyaan maadaama Shidaalkii Jabay”

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera mar uu ka hadlaayey tayada Shidaalka ayaa yidhi “Waa inay Kaalmuhu ka dheeraadaan Shayga Khiyaamada la yidhaahdo oo isagu Islaamka xaaraan ka ah oo Shidaalka Xabagta leh ee Boosaaso iyo dhulkaas inaga soo galaya oo wakhtigan qaboobaha ah bilaama inay iska ilaaliyaan, Anagu waxaanu sugnay Tayada Shidaalka,waxaanu dhawaan keeni doonaa Shaybaadhkii(Lab)waxaanu tijaabin doonaa Kaalinkasta oo furan Haamahooda, Kaalinta Shidaalka xumaanta waxa kolay ku dhici doona in suuqeedu xumaado, oo wax Shidaal ah laga iibsan waayo”.