Ciidamada Isbahaysiga Oo Xayiraad Buuxda Ku Soo Rogay Badaha Yemen Iyo Sababta

0
684

yemenRiyaad (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Yemen Riyaad Yaasiin ayaa war uu siiyey Kanaal Al-Xadas  ee Afka Carabiga ku baxa waxa uu sheegay in dawladdiisu ay go’aan ku gaadhay in laga bilaabo sabtidii shalay xayiraad dhinaca badda ah lagu soo rogo badaha dalka Yemen, arrintaas fulinteedana ay awood u siiyeen huwanta uu Sucuudigu hoggaaminayo ee Yemen ka wada dagaalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in dabagal la sameeyey lagu ogaaday in dalka Iiraan uu doonayo in uu caawimooyin u soo tahriibiyo waxa uu ugu yeedhay kooxaha afgembiga ee Xuutiyiinta iyo Maleeshiyada taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali Cabdalla Saaliix. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in doonyaha dalka Yemen u sida caawimada bani’aadamnimo ee ah cuntada iyo dawooyinka loo ogolaan doono in ay soo galaan biyaha Yemen, laakiin marka hore la soo baadhi doono.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yemen ayaa iyaduna sabtidii shalay war ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan badaha gobolkaas ay saartay xayiraad. Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Yemen oo nuqul ka mid ah uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa cinwaan looga dhigay, “Xayiraad badda ah” waxaana lagu sheegay in dhammaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milateriga iyo noocyada kala duwan ee doonyaha iyo diyaaradaha saaran maraakiibta milateriga, aan loo oglaan doonin in ay soo galaan xuduudda xayiraadda la saaray ee badaha dalka Yemen, illaa marka hore ay fasax rasmi ah ka soo qaataan dawladda sharciga ah ee Yemen.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in dhammaan maraakiibta la siiyo fasaxa ay ku gelayaan dalka Yemen, si aad ah loo baadhi doono, inta aanay ku xidhan dekedaha Yemen. Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda ay dalalka Gacanka Carabtu taageersan yihiin ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdirabbuh Haadi Mansuur, ayaa intaas ku sii dartay in dhaqangelinta iyo ilaalinta xayiraaddan ay u xilsaartay dalalka ku bahoobay isbahaysiga “Duufaanta go’aaminta” ee uu hoggaaminayo dalka Sucuudigu, iyaga ayaana ka masuul ahaan doono dhaqangelinta iyo baadhitaanka loo baahdo inta ay dawladda sharciga ahi soo ceshanayso awoodaheeda oo dhamaystiran.

Arrintan ayaa timid maalmo yar uun kadib markii maraakiibta dagaalka dalka Iiraan ay u soo shiraacdeen dhinaca gacanka-cadmeed in kasta oo ay masuuliyiinta Iiraan sheegeen in ay ku negaan doonaan biyaha caalamiga ah oo aanay geli doonin xuduudka yemen, ujeedadooduna tahay in ay ilaaliyaan danaha Iiraan.

Dhinaca kalana maleeshiyada la baxday Wax-iska-caabbinta shacbiga ah ee Xuutiyiinta ka difaacaya magaalada Cadan ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada dalka Iiraan, kuwaas oo hoggaaminayey dagaallada ay ciidamada Xuutiyiinta iyo kuwa taageera Cali Cabdalla Saalax ka wadaan magaaladaas.

War uu helay Kanaal Al-Xadas ee warkan aanu ka soo xigannay ayaa xaqiijinaya in labadan sarkaal ee Iiraaniyiinta ah darajadoodu ay kala tahay, Kornayl iyo Kabtan, kuwaas oo kala ah Kabtan Shahbuur, iyo Kornayl Qaasimah Aasif  sida ku qoran aqoonsiga ay siteen.

Muddooyinkii dambe waxaa aad u soo xoogaysanaya xogaha sheegaya in dalka Iiraan uu si toos ah hub iyo saanad milateri u gaadhsiiyo maleeshiyada shiicada ah ee Xuutiyiinta, taas ayaana imika ah sababta ay dalalka isbahaysiga ee dagaalka Yemen u doonayaan in ay xayiraan badaha dalka Yemen iyaga oo horena xayiraaddan oo kale u saaray hawada dalkaas.