Golaha Wakiilada Oo Fasax Galay Iyo Qabyada Xeerarka Horyaala

0
778

Picture3Hargeysa(Geeska):-Kalfadhigii 26-aad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si toos ah u soo xidhmay, iyada oo golahaasi ay todobaadyadii ugu danbeeyey horyaaleen xeerar aad u tira badan oo ku jiray kalfadhiga 26-aad golahaasi.

Fadhigii ay shalay yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada oo uu shir-guddoominaayey guddoomiye ku xigeenka golahaasi Md:Baashe Maxamed Faarax, ayaa xildhibaanada ku wargaliyey in ay galayaan fasax muddo Laba bilood ah, waxaana halkaasi ku soo xidhmay kalfadhigii 26-aad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland.

“Waxaa aynu galaynaa fasax, oo ka bilaabanta Sabtida, golahu waa xidhan yahay, fasax wanaagsan iyo nabad-galyo”Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.

Muddadii uu socday kalfadhiga 26-aad ee golahaasi ayaa waxaa xusid mudan in ay mudanayaasha aqalkaasi aanay badidoodu ka soo xaadiri jirin, waxaana ay taasi sababtay in kalfadhigii aqalkaasi uu fasax galo iyada oo wali ay qabyo yihiin xeerar aad u badan oo horyaalay mudanayaasha aqalka wakiilada

Xeerarka kalfadhigan 26-aad qabyada ahaa ayaa waxaa ka mid ah xeerka nidaamka xukuumada, xeerka duulista iyo hawada, xeer hoosaadka golaha wakiilada, xeerka waxbarashada, xeerka saxaafada, xeerka la dagaalanka argagaxisada, iyo xeerka caasimada.