Sababta Dhalinyarada Soomaalida Ah Ee Yurub Ugu Noqonayaan Soomaaliya Si Ay Ugu Biiraan Al-Shabaab

0
798

Picture2Copenhagen (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee Al-Xayaat oo ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa cadadkiisii Axaddii 11ka Jeenawer 2014ka waxa uu ku baahiyey warbixin uu ka soo ururiyey Filim-wareed dhowaan laga sameeyey dhalinyarada Soomaalida Yurub iyo sida ay ugu heellan yihiin in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Wargeyskan uu Geeska Afrika soo xiganayo ayaa soo ururiyey nuxurka filim-wareedkan laga baahiyey talefishanka dalka Denmark oo loogu magac daray, “Dagaalyahanno ka yimi dalalka woqooyiga” ayaa ah in la ogaado sida iyo sababta keenta in dhalinyaro tiro badan oo ka mid ah Soomaalida deggen dowladaha woqooyiga Yurub ay dib ugu noqdeen Soomaaliya kuna biireen ururka Al-Shabaab, waxa aanu barnaamijku si qoto-dheer u baadhayaa tafaasiisha nolosha dhalinyarada Soomaaliya ka soo haajiray ee haddana masaafaddaa fog inta ay u badheedheen dib ugu noqday Soomaaliya, isaga oo qaar ka mid ah dhalinyaradaasna si toos ah ula kulmay saxafigii warbixintan filim-wareedka ah diyaariyey si uu afkooda uga qaado su’aalo badan oo arrintan la xidhiidha. Warbixintan dheer oo lagu sheegay in ay tahay mid dadka reer Yurub u sharraxaysa shucuurta iyo sababaha ku riixaya in inta ay ka tagaan dalalkan aaminka ah ee ay ku barbaareen ay u tagayaan Soomaaliya oo dhibta ka jirta la og yahay, si ay uga qayb galaan dagaallada Al-Shabaab ay kula jirto ciidamada dowladda iyo ciidamada Midowga afrika ee ay Qaramada Midoobey taageerto.

Markhaatiga warbixinta:

Wiil Soomaaliya oo war-fidiyaha warbixintan diyaariyey la hadlay ayaa ah rukunka ugu muhiimsan ee filim-wareedkani u cuskanayo xogtiisa, wiilkan oo codsaday in sawirkiisa iyo magaciisaba uu talefishanku qariyo isla markaana uu codkiisa beddelo si aan loo garan ayaa ka mid ah dhalinyarada tallaadan oo kale hore u soo maray, oo inta uu Soomaaliya ku noqday ayaa uu la soo hawlgalay ururka Al-Shabaab, kadib mar kale ayaa uu ka soo baxsaday oo uu dib ugu soo noqday magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Wiilkan yari waxa uu ka sheekeeyey sida uu ku qaatay fikirka Al-Shabaab iyo waxa ku dhiirri geliyey in uu ka tago nolosha Yurub oo uu ka door bido in uu ku soo Shahiido dalkii uu asal ahaan u dhashay balse uu ka soo haajiray si nolosha ka jirta mid ka fiican uu uga helo Yurub. Waxaa Soomaaliya u raacay labadiisa saaxiib oo ahaa Maxamed Abu Bakar iyo Cabdillaahi oo isagu ka mid ahaa kuwii isku qarxiyey xafladdii qalin-jabinta ardayda caafimaadka ee dhacaysay hudheel Shaamoow ee magaalada Muqdisho, halka Maxamed isaga aan illaa hadda wax war ah laga haynin halka uu ku dambeeyey, iyada oo ay labadiisa waalid si aad ah oo joogto ah warkiisa uga raadiyeen Soomaaliya.

Waxa aanay warbixintu qisada wiilkan ku faallaysay, “Qisada wiilkani ka waramayaa waa ta ay wadaagaan dhammaan dhalinyarada Soomaalida ah ee Yurub dib uga noqday kadib markii ay saamayn ku yeesheen kuwo kale oo dalka gudihiisa jooga oo loo xil saaray in ay ku qanciyaan ku biirista Al-Shabaab iyaga oo doonaya in uu Alle ka dhaafo dembiga ay Yurub ku galeen jannadana ay galaan. Sida loo sheegay” ayaa lagu yidhi warbixintan. Oo dhinaca kalana ka warrantay xaaladda adag ee nafsi ahaan ku jiraan waalidiinta jooga dalalka woqooyiga Yurub oo ay ka mid yihiin dalalka Scandinavian ka.

Qaybo filimkan ka mid ah waxaa ka muuqda dhalinyaro ka waramaysa xiisaha ay u qabeen tegista iyo duruufaha ku kallifay, laakiin sidoo kale waxa ay soo bandhigtay dhalinyaro hore uga tegey dalalka Holland, Norway, Finland iyo Sweden si ay ugu biiraan Al-Shabaab oo imika qoomamaynaya tegitaankooda Soomaaliya.

Sababta:

Filim-wareedkan “Dagaalyahanno ka yimi dalalka Woqooyigu” waxa uu xusay in bulshada reer Yurub iyo xisbiyadooda afkaarta adag ee midigta haysta oo cadaadis iyo faquuqid ku haya dadka soo-galeegtiga ahi ay kaalin weyn ku leeyihiin fursadda fiican ee kooxaha Islaamiyiinta xag-jirka ah u fududaysay in ay dhalinyaradan niyad-jabsan ee bulshada dhexgeli kari weyday tusaan nolol iyo fursado u muuqda in ay kaga baxayaan faquuqa iyo takoorka bulsho ee ay kula kacaan bulshada qaar iyo qaybo ka mid ah aragtiyaha siyaasiga ah ee ka jira qaaradda Yurub.

Waxa aanu barnaamijku tusaale u soo qaatay wiilkan Soomaaliga ah oo u sheegay xaaladda qallafsan ee uu ku jiray markii ay is barteen saaxiibkiisa ku qanciyey tegitaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay in barashada saaxiibkaasi u horseedda furfurnaan iyo niyadsamaan.

Dhammaadka waraysigana waxa uu wiilkani ku celcelinayaa in imika oo uu iskaga soo noqday Soomaaliya iyo Al-shabaab haddana uu weli dareemayo faquuqni iyo gooni joognimo uu sida baadida kelidii dhex wareegayo shaaracyada Copenhagen, kadib markii uu iskaga tegey macaariiftii hore ee uu uga baqayo in ay fikirka Al-Shabaab ku celiyaan bulshadii kale iyo dadkii u dhashay dalkuna ay sida caadiga ah ka soocan yihiin dadka soo galeetiga ah.

Ereyadan ayaa dhammaan dadka barnaamijkan ka qayb galay ay u soo qaateen caddayn muujinaysa in xaaladda bulsho ee ay Soomaalida iyo dadka soo galeetiga ahi kala kulmeen muwaadiniinta rayidka ah, siyaasiyiinta xag-jirka ah iyo dhinacyo badan oo kale ay ku kallifayso in ay raadiyaan meel u dhaanta Yurub aakhirkana ay tahay tan keenaysa in uu si fudud u helo ruux u shaqaynaya Islaamiyiinta oo ku qanciya in uu dalkiisii dib ugu noqdo si haddii uu noolaado uu dembi dhaaf u helo, haddii uu dhintana janno loogu abaal mariyo, sida loogu sheegayo. Waxa kale oo uu barnaamijku tusaale u soo qaatay in dadka soo-galeetiga ah ee Yurub tegey ay booliiska u arkaan in uu cadow ku yahay, oo uu si qallafsan ula macaamilo aadna u takooro.