Jidka Madaxtooyada Hormara Oo Laga Dhigay Hal Haad Oo Cad-ceed Ka Dhaca U Socda Iyo Warancade Oo Ka Hadlay

0
537

Picture7Hargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha  gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa amray in la hirgaliyo amaro uu hore u soo saaray , sida oo kalena soo saaray amar horleh oo ku saabsan cidhiidhiga wadooyinka caasimada Hargeysa.

Md:Cali Maxamed Waran-cadde ayaa wareegtadan shalay warbaahinta u akhriyey ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadley qorshahiisa 2015-ka “Hadii aanu nahay wasaaradda arrimaha gudaha  iyo ha’yadaha hoos yimaada ee ay ugu horeyaan dawladaha hoose ee gobalada iyo degmooyinka dalka,waxaan doonayaa in aan halkan maanta uga jeediyo in  sanadka cusub 2015  ee inoo bilaabmaya aanu xooga saarno laba arimood oo kala ah bilicda iyo quruxinta magaalooyinka dalka.”Ayuu yidhi Waran Cadde.

Wasiir Warancadde, waxa uu Amray dawladdaha hoose inay hirgaliyaan amar hore uu u soo saaray oo aan sidiisii u hirgalin “ waxaan ku amrayaa dhamaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo mar-markii, isla markaana ay nadiifiyaan  oo Nin waliba uu xaadho gurigiisa hortiisa sidoo kalena dawlada hoose ay yiyaguna dhinacooda xaadhaan  si ay magaaladeenu u noqoto mid nadaafadeedu aad u sareyso”.

Wasiirku waxa uu soo saaray amar cusub oo ku aadan Waddooyinka Hargeysa oo Cidhiidhiga Baabuurtu saamayn xooggan ku yeeshay, isagoo tilmaamay in laba wado look ala jabin doono Baabuurta “Magaaladan Hargeysa waxaa ku soo batay gaadiidka. wax-yaabo badan ayaa noqday mid adag isla markaana kaliftay in aan leysku socon karin  oo qofkii shaqo ku deg degaayey ama caruurtii schoolda la geenayey ay dhibaato badan kala kulmeen  sidaas tarteed waxaanu amar ku bixineynaa  in labada wado ee ay mid tahay ta hor marta madaxtooyada ee labada dhinac ba loo socdo in dhinac uun loo socon doono oo dhinca qorax u dhaca ay baabuurtu u socon doonan waxii  todobaadkan ka danbeeya   dawlada hoose iyo ciidamada wadooyinku ay ka gudan doonan wajibaadkooda” ayuu yidhi Wasiirku

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sharaxay wadada ay marayaan gaadiidka dhinaca Bariga u soconaya “Baabuurta u socota dhinac magaalada ama qorax ka soo baxa waxaa ay mari doonan oo ay isticmaali doonan wadada  xaga  danbe ka marta cisbitaalka weyn ee magaalada hargaysa  labadaasi wadana waxaa ay ku kulmi doonana laba meelood  oo ah hotel guuled oo dhinca galbeed ah iyo kaalinta ina galan oo dhinca bari ah  markaasi labadaasi wado waxaa ay noqon doonan in wado waliba ay midna qorax u dhaca u socta midna qorax ka soo baxa u socota”Ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran- cadde.