Golaha Wakiilada Oo Aqlabiyad Ku Dhantaalay Awoodii Labada Ku Xigeen Iyo Xildhibaanadii KULMIYE Oo Codkooda Ku Taageeray Xeerkaas

0
733

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay cod midaysan oo aqlabiyad ah ku meelmariyay wax ka bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiilada, kaas oo dhantaalay awoodda labada guddoomiye xigeen ee golaha oo ay wakhtigan hayaan Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed. Xeerkan wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa ka nixiyay xukuumadda Somaliland.

Xeer hoosaadkan ayaa wuxuu dhigayaa inuu guddoomiyaha golaha wakiilada oo uu wakhtigan hayo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu fadhiisan doono kursi gaar ah oo meelsare yaala, halka ay labadiisa ku xigeena iyagoo is barbar fadhiya ay fadhiisan doonaan guddoomiyaha hortiisa. Qodobkan ayaa ah qodobka 32aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada, waxaanu ka hadlayaa nidaamka fadhiyada golaha. Qodobka ayaa wuxuu u dhiganyahay sidan: “Qodobka 32-aad

Nidaamka Fadhiyada  Golaha

 

1. Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha Golaha hortooda Fadhiisanaya:

 

A. Gudoomiyaha.

B.  Labada Gudoomiye Ku xigeen oo is bar bar fadhiya.

C. Xoghayaha Guud iyo Xoghaye ku-xigeenka oo isbarbar fadhiya.

D. Hadal-qoraala-yaasha.

E. Madaxda Golaha Martida u ah

 

2. Gudoomiyuhu waxa u fadhiisanayaa faloorka sare qaybtiisa u saraysa keligii.

 

3. Labada Gudoomiye-kuxigeena waxay is bar bar fadhiisanayaan Gudoomiyaha hortiisa, halkaas oo ka hoosaysa kuna beegan madasha uu fadhiyo Gudoomiyuhu.

 

Codayntii

Wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkan wuxuu guddoomiyaha golaha wakiiladu ka codsaday mudanayaasha inay soo akhriyaan, waxase ay codsadeen inay cod u qaadaan iyagoon wax dood ah gelinin, waxaana wax ka bedelka lagu sameeyay xeerkaas HAA ku ogolaaday 42 mudane, waxaana diiday 4 mudane, halka ay ka aamuseen 8 mudane. Waxa xusid mudan in mudayaasha xeerkaas wax bedelka lagu sameeyay u codeeyay ay u badnaayeen mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga KULMIYE oo ay ka soo jeedaan labada ku xigeen ee Baashe iyo Cali Yuusuf.

Way ka baxeen

Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, oo ah labada ku xigeen ee guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ka hor intii aan xeerkaas codka loo qaadin balse ay dareemeen in xeerka aqlabiyad lagu ansixinayo waxay ka baxeen golaha iyagoon wax hadal ah jeedinin balse gacmaha ka hadlayay. Saxaafadda oo isku dayday inay wax weydiiso labadan masuul, may suurtogelin.

Gunaanad

Xeerkan cusub ayaa wuxuu u muuqdaa mid kor loogu qaadayo awoodda guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaanu ka dhashay ka dib markii ay bishii hore labadiisa ku xigeen ee Baashe iyo Cali ay ka horyimaadeen isku shaandhayn uu ku sameeay guddoomiyuhu guddi hoosaadyada golaha, taas oo aakhirkii u hirgashay sidii uu guddoomiye Cirro ugu tallo galay. Labadiisa ku xigeen oo wakhtigaas dacwad ka dhan ah isku shaandhayntaas u gudbiyay maxkamadda sare ayaa dib golaha ugu soo noqday ka dib markii ay inta badan ee mudanayaasha golaha wakiiladu ogolaadeen wax ka bedelkaas lagu sameeyay guddi  hoosaadyada. Laakiin waxa la eegi doonaa bal halka ay labada guddoomiye xigeen Md. Baashe iyo Md. Cali mar kale siyaasadda u foofiyaan.