Abaandulaha Ciidamada Qaranka Oo Mar Kale Ku Celiyay Inuu Ku Jiro Xabsi Guri Uu Saylici Ku Xidhay

0
691

Picture7Hargeysa(Geeska)-Abaanduulaha ciidamada qaranka sareeye guuto Cadbilaahi Jaamac Calas,ayaa sheegay in aanu wax wada hadalo ah cidna kala yeelan xayiraada saaran, isaga oo sheegay in wali amarkii lagu joojiyay uu sidiisii yahay. Abaanduulaha ayaa sheegay inuu xabsi guri ku jiro, ka dib markii uu madaxweyne xigeenka Md. Saylici oo ah ku simaha madaxweynuhu amarkaas bixiyay.

Abaanduulaha ciidamada qaranka Cabdilaahi Jaamac oo wargeyska Geeska Afrika arintaas kala xidhiidhay ayaa ku gaabsaday in arinkaasu uu jiro, isla markaasna aanay wax wada hadalo ah cidna kala yeelan, waxaanu yidhi“Arintaasi halkeedii ayay taagan tahay oo wax wada hadalo ah kamaanu yeelan.”

Abaanduulahu waxa uu sheegay in armarkan lagu xayiray uu ka yimi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ah ku simaha madaxweynaha “Waxa uu amarkaasi ka yimid madaxweyne ku xigeenka.waxaanu ka dhashay arrin aanu isku qabanay Taliyaha Ciidamada Qaranka.”

Dad badan ayaa la yaabay warka ah inuu abaandulihii ciidamada qaranku ku jiro xabsi guri, waana markii u horaysay ee taariikhda Somaliland la soo weriyo masuul derejadaas haya oo ku jira xabsi guri.