Golaha Wakiilada Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Guddiga Doorashada Iyo Hawsha Culus Ee Ay Umadu Ka Sugayso

0
720

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si rasmiya u ansixiyey Guddida  Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo muddo ansixintoodu hakad gashay.

Kal-fadhigan  Golaha Wakiilada Somaliland ee Shalay ay ku ansixiyeen  Guddidan cusub ee Doorashooyinka Somaliland, oo ka dhacay Xaruntooda ayaa waxa kal-fadhigaas  Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waxaana goob joog ka ahaa 69 xildhibaan.

Kal-fadhigan lagu ansixinaayey Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan Todobada Xubnood ee Golaha Wakiilada ooh al haweenay ahi ku jirto, ayaa intii aan loo qaadin codka waxa halkaas laga akhriyey, laguna soo bandhigay Taariikh nololeedkooda, heerka waxbarasho iyo khibradooda shaqo, cod aqlabiyad ah ayaana loogu codaayey, iyada oo dhammaantood ay u codeeyeen 69-xubnood, halka aanu Guddoomiyuhu ka codeeyaan, sidaas ayeyna ku ansaxeen.

Guddidan ayaa waxa la filaya inay hawlahooda shaqo si toos ah u galaan, isla markaana maalmaha soo socda ay iska doortaan Guddoomiyahooda iyo Guddoomiye ku xigeenkooda.

Afhayeen u hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, ayaa u mahadceliyay golaha wakiilada, waxaanay dhaarta ka dib si rasmi ah u gudo geli doonaan hawlahooda shaqo ee uu qaranku ka sugayo, iyadoo la qorsheeyay inay bisha June ee soo socota doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanku wadanka ka qabsoomaan.

Hawshan ayaa ah hawl baaxad leh oo culus, waxaanay shacabku ka sugayaan guddiga doorashooyinka ee cusub inay si deg deg ah marka la dhaariyo u gudo galaan hawsha qaban qaabada doorashooyinka qorshaysan sannadka dambe oo uu wakhti koobani ka hadhsanyahay taas oo ay shacabka kalsooni kaga heli doonaan hadba sida ay u maareeyaan bilowga geediga cusub ee doorashada.