Faysal Cali Waraabe Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dalka, Madaxweyne Silanyana Tallo U Diray Iyo Gudomiye Cirro Oo Ku Baaqay In Sharciga Loo Maro Xadhiga Muwaadiniinta

0
734

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kalena ah guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa ku baaqay in muwaadiniinta la xidhayo loo maro sifo sharci ah, isagoo xisbiga Waddani ku tilmaamay gurmadkii cadaaladda iyo ku dhaqanka sharciga.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay xaaladda uu wadanku marayo oo uu sheegay inuu ka niyad jabay. Labadan hoggaamiye mucaarad waxa ay hadaladan u sheegeen siyaabo kala duwan. Guddoomiye Cirro ayaa wuxuu isagu hadalkan ku sheegay qoraal uu soo geliyay barta uu ku leeyahay facebooka, isagoo si gaar ah u abaaray amniga qaranka, halka uu Faysal hadalkan ka sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro

Guddoomiye Cirro, qoraalkiisa oo uu ciwaan uga dhigay amniga qaranka, wuxuu ku yidhi sidan “Xukuumadda ayaa ka masuul ah amniga qaranka. Ciidamadu waa adeegayaal shacbiga u shaqeeya. Hubka waxay u sitaan sugida amaanka. Waa inaan ciidamadu u adeegsan si qaldan oo ayna u adeegsan shacbi aan hubeysnayn. Waa inay shaqooda u fuliyaan si sharciga waafaqsan. Muwaadinka la xidhayo waa in loo maro qaabka sharcigu baneeyey oo keliya. 
Waxaa warwar leh haddii Xildhibaanada uu dastuurka siiyey xasaanad sifo sharci daro ah ciidanka amaanku u xidhi karo, arrintaas oo ah dastuur jabin cad.

WADDANI waa gurmadkii sugitaanka caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga; waa badbaadiyaha Qaranka; ciidamadana waxa uu ku hogaaminayaa wadada sharciga iyo mooraal wanaagsan. Ciidanka waa in lagu tababaraa xaqqa muwaadinka iyo ku dhaqanka sharciga. Shacbiga reer Somaliland gaar ahaan taagerayaasha WADDANI waxaan ugu baaqeynaa inaan wada ilaalino xilna inaga saaran yahay amniga qaranka.”

Faysal

Faysal Cali Waraabe waxa uu  niyad jab ka muuhjiye halka ay Somaliland marayso oo uu tilmaamay in haddii tallo Qaran laga yeelan waayo uu Dalku Dumidoono.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Mansoor Hotel ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Musuq-maasuqii Baa Ciida ka Batay oo Gaaladii Qoraysaa, Qabiilkii iyo Qabyaaladii ayaa korodhay oo waynu is caayeynaa oo waynu is nac-nay, marka haddii aynu siddan Doorasho ku galno waxaan ka baqayaa in Nabad-gelayda aynu haysanaa Halis gasho, marka Jaawi Doorasho lagu gallayaa meesha kama Muuqdo, Doorashada Horteed waxaan leeyahay Shir qaran ha la qabto, ha lays dhegeysto, cabashada beelaha ha la dhegesyto oo beelaha hareeraha ha la soo dhaweeyo.”.

Faysal oo Hadalkiisa Siiwata Ayaa intaas waxa uu yidhi “Dhalinyarada in la Khiyaameeyo ma aha meeshan Himilo qaranimo ma socoto, Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, waxa socota qof walbaba wuxu heli karo in uu boobo, Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hiifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan oo Dalkiiba inagii ayey inooga baqanayaan in aynu gacmaheena ku burburino, haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto.”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland lana hadlaya Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi  “Siyaasad Dibadeed ma lihin, Mid dhaqaale ma lihin, Mid Difaac ma lihi, Mid Biyo ma lihin, maanta dalkeenii waa la soo toosayaa waa la qayilayaa, waana lays caayayaa, oo qabiil baa lagu noqday, qabiilna waa ka Somaliya Baabiiyey, Madaxweynaha waxaan leeyahay wax dhaxal gal ku noqda ka tag nin weynbaad tahay waa lagu sharfay, ee Sharaf dalkan kaga tag marku wakhtigaagu dhammaado, laakiin sidda imika muuqata waxa socota Fawdo, ismaqli Waa Ayaa Socota, Maamul Xumo ayaa ka socota, sharcigii oo laga talaabsaday ayaa la marayaa.”