Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay In Jaantaa Rogan Lagu Galo Doorashda Deegaanka, Toodana Ku Xidhay Diiwaangelin Cusub

0
675

 

Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa shalay  cod aqlbiyad ah ku ansixiyay in la laalo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay iyo in doorashada goleyaasha deegaanka lagu galo bilaa diiwaangelin.

Ansixintan ayaa dhacday ka  dib markii 47 Mudane ay Golaha horkeeneen mooshin ay ku soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka diiwaan gelinta isla markaana la laalo diiwaangelintii hore.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Gudoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa madasha ka soo xaadiray 48 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Sadex qodob oo Goluhu u codeeyay iyo codbixintu siday u qabsoontay waxay u dhacday sidan:-

1- In la laalo diiwaan gelintii hore codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii, waxa ogolaaday 34 Mudane, 9 Xildhibaan way diideen, 4 Mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codaynin sidaasi ayaanu qodobkaasi ku ansaxay.

2- In Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haya lagu galo diiwaan gelin la’aan, waxa ogolaaday arrintaasi 37 Mudane, 5 Xildhibaan way diideen, 5 Mudane way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

3- In Doorashada Golaha Wakiilada ka hor la sameeyo diiwaan gelin rasmiya oo dhamaystiran waxa ogolaaday 42 Xildhibaan, cid diiday may jirin, 5 Mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Dareenada Laga Bixiyay

Dad badan ayaa qaba inay ujeedo gaar ah mudanayaasha golaha wakiiladu ka leeyihiin go’aanka ay shalay gaadheen oo u muuqday mid soo celiyay xamaasadii xiliyada qaar ka jiri jirtay golaha wakiilada. Marka ay mudanayaashu ansixiyeen in doorashada golaha deegaanka lagu galo jaantaa rogan islamarkaana la sameeyo diiwaangelin ka hor doorashada golaha wakiilada, ayay dad badani u arkaan inay mudanayaashu doonayaan inay sii dheeraystaan muddo kordhinta ay guurtidu u samaysay markii uu wakhtigoodii xil hayneed ka dhammaaday. “Haddii ay wakiiladu daacad yihiin maxay u odhan waayeen labada doorashaba diiwaangelin halagu galo.” Sidaas waxa yidhi muwaadin ku sugnaa fadhiga golaha wakiilada, oo ku dooday inuu aaminsanyahay inay mudanayaasha wakiiladu doonayaan inay cimri dherer kursi samaystaan.