SORADI Oo Furtay Shir Dib Loogu Eegayo Horumarka Somaliland Ee 20-kii Sannadood Ee Ay Jirtay

0
658

 

SoradiHargeysa(Geeska)-Machadka cilmi baadhista arimaha bulshada iyo horumarinta ee loo yaqaan SORADI ayaa shalay huteel Ambasador ka furay shir caalami ah oo socon doona laba maalmood kaas oo si cilmiyaysan loogu  falanqeynayey dib u eegista horumarka Somaliland ku talaabsatey mudadii labaatanka sanadood ah ee ay jirtay. Shirka ayaa ah mid si gaar ah diirada u saaraya horumarka laga gaadhey dhinaca dhaqaalaha, arimaha bulshada, deegaanka, dimuqraadiyada iyo doorashoyinka xorta ah. 

 

Shirkan ayaa ay ka soo qayb galeen wasiirka qorysheynta qaranka, mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada iyo cilmi baadhayaal caalami ah oo ku xeel dheer arimaha aynu kor ku soo sheegnay mudo badana Somaliland kala soo shaqeynayey.

Sidoo kale waxa madasha shirka goob joog ka ahaa dhamaan ururada bulshada ee labaatankaas sanadood u soo taagnaa wax ka tarka kaabayaasha horumarineed ee Somaliland.

Qaar kamid ah hay’adaha dawlada ayaa iyagana madasha joogay, sida sharci dejinta, fulinta iyo waaxda garsoorka. Shirkan caalamiga ah oo SORADi sanadkasta qabato ayaa sidoo kale lagu soo bandhigayey cilimi baadhisyo la sameeyay kuwaas oo natiijadooda lagu lafa gurayey shirkan.

Ugu horeyn furitaanka shirka waxa ka hadley Agaasimaha Machadka SORADI Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxaanu si kooban uga hadlay u jeedooyinka loo soo qabanqaabiyey shirkan.

Waxaanu Dr. Fadal sheegay in labaatankaas Sanadood ee Somaliland jirtay ay tahay mudo ku filan in wax laga barto. Agaasimaha SORADi waxa kale oo uu sheegay in khubarada shirka ka soo qayb gashay ay iftiimin doonaan jihada ugu haboon ee Somaliland uga dhaqaaqi karto halka ay maanta taagan tahay iyagoo ku saleynaya waxyaabihii laga soo dhaxaley dhacdooyinkii kala duwanaa ee dalku soo maray mudadaas. Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in si gaar ah loo eegi doono casharadii laga bartay doorashooyiniii hore kuwaas oo sal u noqon doono horumar lagu sameeyo  tayeynta doorashooyinka dawladaha hoose iyo dimuqraadiyada Somaliland guud ahaan.

Dhinaca kale waxa isna madasha shirka ka hadley wasiirka qosheytna Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo machadka SORADI uga mahad celiyey sida ay hadd iyo jeer iskugu hawlaan cilimi baadhisyada bulshada waxtarka u leh. Wasiirku wuxuu dib u eegis ku sameeyay waxyaabihii Somaliland u qabsoomey labaatankaas sanadood ee ay jirtay. Waxa kale oo uu halkaas ka sheegay natiijooyinka cilmi baadhis ay wasaaradiisu sameysay kuwaas oo ka hadlayey heerka Somaliland ka taagan tahay dhinacyada dhaqaalaha caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiirka ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsadey waxyaabaha wasaaradiisa ugu qorsheysan horumarka guud ee dalka. Dr. Sacad Cali Shire wuxuu hoosta ka xariiqey in Somaliland labaatankaas sanadood xil weyn iska saartay xasilinta nabad geliyada, hase ahaatee ay wax badani uga hadhsan yihiin kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, kor u qaadista adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo shaqo abuurka.

Wasiirku wax kale oo uu bulshada Somaliland ku canaantay inay aad uga gaabiyeen kaalintoodii ku aadaneyd horumarka Somaliland, marka ay noqoto caawimada caalamiga ahna ay dawdweynuhu eedeeyaan hay’adaha caalimiga ah ee dalka jooga. Waxaanu iftiimiyey waxyaabo badan oo ururada caalimiga ahi ku tareen dalka Somaliland sida inay shaqo abuur u sameeyeen dhalin yaro badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena guryo badan oo muwaadiniin Somaliland ahi lee yihiin ay kiro ahaan ugu jiraan kuwaas oo lacag fiican ay ka bixiyaan. Wasiirku kamuu aamusin inuu cadeeyo in hay’addaha caalimiga ahi aaney wax u qaban sidii loogu talo galey, amma shaqooyinka ay qabtaan aaney ka tujumeyn baahida.

Waxana uu sheegay inay gacanta ku hayaan sameynta nidaam lagula xisaabtamo. Dhinaca kale wasiir Sacad wuxuu sheegay in bulshada Somaliland u baahan tahay inay ku foorarsato waxasoosaarka dhulkeeda hodanka ah, qorshayaasha ugu muhiimsan ee wasaaradiisuna tahay inay dadka ku dhiirigeliyaan inay wax beertaan. Wasiirku wuxuu kale oo sheegay in sanadkasta 11 milyan oo ton oo khudrad ahi ay dadweynaha Somaliland ka soo iibsadaan wadamada jaarka, taas oo ceeb ku ah, maadama oo khudradu ay kamid tahay waxyaabaha aadka u fudud ee dadweynuhu qabsan karo.

Ugu dambeyntii wuxuu sacad hadalkiisa ku soo afmeeray fariin uu diray shacabka taas oo ah in aaney horumarka dalka ku haleyn dawlada iyo hay’adaha caalimiga ah oo qudha bale qaybtooda ka qaataan.

Dhinaca kale waxa madasha shirka ka hadley laba khabiir oo ka kala socday hay’adda progressio iyo ururka Somaland Focus. Micheal Well oo ah cilmi baadhe Ingiriis ah sidoo kalena kamid ahaa goobjoogayaashii doorashooyinkii madaxtooyada ayaa si faahfaahsan uga hadley waxtarka deeqaha caalamiga ah ee Somaliland ka hesho deeqbixiyayaasha. Sidoo kale waxa iyadna halkaas ka hadashey masuul sare oo ka socotay haya’dda Car International marwo Hodan oo bulshada reer Somaliland xasuusisay in haboon tahay in la diyaariyo qorshe lagaga baxay ku tiirsanaanta caawimada deeq bixiyayaasha, taas oo sida cad is taagi doonta maalin maal maha kamid ah.

Dhanka kale waxa isna madasha ka hadley masuul ka socday gaboodka NAGAAD. Masuulkan ayaa ku nuux nuuxsaday hawlaaha uruka NAGAAD iyo qorshayaasha uga yaala qodobka ka qayb galka siyaasada ee haweenka.

Markii uu masuulku warbixinta siiyey dadkii ka soo qayb galey madasha shirka ayaa waxa si faah faahsan looga dooday wax yaabaha hortaagan in haweenku ka qayb galaan saaxada siyaasada iyo xalka caqabadahaas. Waxana ugu dambeyntii la isla afgaratay in hadda la soo gaadhey wakhtigii dumarka  Somaliland laga furi lahaa dabarka dhaqan ee ka hortaagan ka qayb galka siyaasada.

 

Isku soo wada xooriyoo shirka caalimaga ah oo la soo afmeeri doon maanta ayaa ahaa mid si weyn loogu falanqeeyay waxqabadkii Somaliland ee dhinac kasta, sidoo kalena lagu tilmaamey arimo iyo talooyin wax ku ool ah oo Somaliland ka caawin doona inay ka dhaqaaqdo meesha ay hadda taagan tahay.