Golaha Wakiilada Oo Albaabada Isugu Xidhay La Xisaabtanka Xukuumadda Iyo Xeerar Kale

0
571

Picture2Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa shalay maalintii labaad fadhi albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xaryntooda Magaalada Hargeysa, waxaana fadhigaasi hagayey Guddoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Shirarka noocan ah oo aan in muddo ah aanay yeelan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaan loo ogoleyn inay saxaafaddu ka qayb-gasho ama ay goob joog ka ahaato, waxaana si gaar ah albaabada hoosta iskaga soo xidha shir-guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Fadhiyada noocan ah oo aan war rasmi ah laga haynin waxyaabaha lagaga wada hadlay iyo waxa uu daaran yahay, ayaa haddana ilo wareedyo ku dhow fadhiyadani waxay Wargeyska Madaxa-banaan ee Geeska Afrika u sheegeen in mudanayaasha Golaha wakiilada oo lagu canaanto inay xukuumadda ku milmeen ay wakhtigan ka wada hadlayaan sida ugu haboon ee xukuumadda loola xisaabtamayo, si golaha wakiiladu uga gilgisho dhaliisha shacabka ee la xidhiidha in golaha Wakiiladu fadhiid noqday.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya, ayaa mudanayaasha golaha Wakiilada iyo shir-guddoonkoodu ay si wada jira ah ay fadhiyadan albaabadu u xidhan yihiin iskula jeex-jeexayaan xeerka maamuska Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo Madaxwaynuhu ku soo celiyey ka dib markii ay wax ka bedal iyo kaabis ku sameeyeen isla-markaana ay ansixiyeen.

Xeerka maamuska Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo markii hore ay xukuumaddu soo curisay, balse mudanayaasha Golaha Wakiiladu qodobbo ka mid ah wax ka bedal ku sameeyeen ayaa maadaama oo Madaxwaynuhu qodobbadaa ka biyo diiday oo uu soo celiyey ay mudanayaasha ka doodayaan sidii dib loogu noqon lahaa xeerkaasi si la isku waafajiyo qodobbada wax ka bedalka lagu sameeyay.

Xeerka Maamuska Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo xeerka qareenada oo Madaxwaynuhu golaha Wakiilada dib ugu soo celiyay ayaa lagu soo daray ajandaha kalfadhiga 22-aad ee golaha Wakiilada, si mudanayaashu mar kale dood uga yeeshaan, inkasta oo ay haddana kulamo gaar ah ay ku faaqidayaan.

Waxa kale oo la sheegay inuu mudanayaasha guux ka dhex abuuray xeerka cusub oo lagu magacaabo xeerka horumarinta waddooyinka oo ay wasaaradda madaxtooyadu golaha u soo gudbisay, kaas oo cashuur dheeraad ah saaraya xoolaha nool ee la dhoofiyo iyo baabuurta ay dadka shacabka ahi leeyihiin.