Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Yimid Taleex Iyo Hanjabaada Warancade

0
572

Picture3Taleex (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdisamad Cali Shirre, ayaa markii u horaysay shalay safar ku gaadhay Degmada Taleex ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka soo kicitimay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa isaga oo ay ilaalinayaan ciidamo badan oo wata gaadiid dagaalka ayaa galinkii dambe ee shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Taleex oo ah deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Cabdisamad Cali Shirre oo ay safarkiisa ku wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay isku deegaan yihiin, ayaa waxa soo dhaweeyay dadwayne isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Madax-dhaqameed aad u tiro badan, kuwaasi oo badankoodu ku lebisnaa dhar ay ku sawiran yihiin Madaxwayne Faroole Iyo Cabdisamad Cali Shirre.

Madaxwayne Ku xigeenka Puntland oo aan deeganada Sool cag soo dhigin muddo ku dhow toban sanadood oo Somaliland gacanta ku haysay maamulka gobolka Sool, ayaa markii la soo dhaweeyay shacabka reer Taleex u jeediyay hadal kooban oo uu ku sharaxay ujeedada safarkiisa “Waxaanu u soconaa sidii aanu taageero iyo tallaba uga geysan lahayd shirkii ay iclaamiyeen Garaadada Waqooyiga Sool iyo koonfurta Sanaag, dhibaatooyin ka dhex jira beelahana loo xalin lahaa oo beelaha loo midayn lahaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inuu socdaal ku taggi doono gobolka Sool “Kuma eki degmada Taleex ee Waqooyiga Sool iyo Koonfurta Sanaag intii aan ka gaadhi karo waan marayaa.”

Dhanka Madaxwayne ku xigeenka Maamul gobolleedka Cabdisamad Cali Shirre oo markaa ka dib la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda kooxda la baxday Khaatumo, ayaa sheegay in Maamulkooda ay qorshaha ugu jirto la xoreeyo dhul uu sheegay inuu ka maqan yahay “Dawladda Puntland waxa waajib ku ah inay soo ceshato dhulkeeda, hase yeeshee waxa mar walba carqaladaynayey dad deegaanka u dhashay taasaana hakisay” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, safarka Madaxwayne ku xigeenka Puntland ku yimid degmada Taleex waxa ka cadhootay dawladda Somaliland oo ku dhawaaqday in dhibaatada halkaasi ka dhacda Puntland masuul ka tahay.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay degmada Oog, ayaa yidhi “Waa xad gudub qayrul sharci ah, oo uu ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland ninka sheeganaya Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland, arintaasi oo aanu u aragno arin khatar ku ah nabadgalyada u dhaxaysa dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland”

Wasiir Waran-cadde waxa kale oo uu sheegay “Arintaasna waxa abuuraya Cabdiamad Cali Shirre, waxaanu u sheegaynaa caalamka in wixii halkaa ka yimaada uu masuuliyadeeda leeyahay ninkaa soo xad-gudbay iyo ciidamada uu watay ee soo galay xuduudka Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay heegan galiyeen ciidamada “Waxaanu heegan galinay ciidamada, wixii halkaa ka yimaadana waxa masuul ka ah ninka ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland”