God-haleeli: Xukuumadda Iyo Madaxdhaqamedka Oo Guntay Nabad Beelaha Walaalaha Ah Dhex Marta

0
626

Hargeysa(Geeska)-Weftigii ka socday Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka ayaa shalay galab ku guulaystay inay guntaan sidii nabad looga dhex dhalin lahaa labadii Ardaa ee todobaadkii hore shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka God-heeli, waxaanay dhaarriyeen 50 xubnood oo ka soo kala jeeda waxgaradka labada beelood, kuwaasi oo ku dhaartay inay ogol yihiin in waan-waan iyo wada hadal nabadeed lagu dhammeeyo shaqaaqadaas.

Munaasibadii loo sameeyay dhaarinta cuqaasha iyo waxgaradka labada ardaa ee walaalaha ah oo lagu qabtay Oog ayaa fursad iyo tallaabo nabadeed oo wadada u xaadhaysa sidii labada beelood loo walaaleyn lahaa.

Ismaaciil Saalax Cali iyo Cawad Barre, oo ah odayaasha hormuudka u ah nabadeynta oo labadan beelood ka soo kala jeeda, ayaa cadeeyay inay qaateen nabad aan Shuruud iyo dabar ku xidhnayn isla markaana ay diyaar u yihiin sidii ay wixii dhacay u kala guran lahaayeen iyagoo isku caloolsan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ku tilmaamay labada dhinac ee xurguftu ku dhex martay Deegaanka God Heeli ay yihiin wiil iyo abtigii, waxaanu soo dhaweeyay go’aankan dhaarta ee Gudida dhex dhexaadka ah kaas oo ka turjumaya sida uu sheegay hab dhaqanka ay bulshadeenu ku soo caano maashay.

Wasiirka Daakhiligu wuxuu u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb gashay isu soo dhoweynta iyo tur-xaan saarka labada beelood, waxaanu sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay sidii xal nabadeed oo waara looga dhex dhalin lahaa dhinacyadii ay mashaqadu ka dhex dhacday, isla markaana khilaaf kasta oo jiro lagu dhamayn doono dariiqa wadahadalka.

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa tilmaamay ahmiyada uu kulankani u leeyahay dhamaystirka Khilaafka Gacan ka hadalka ah ee Shaydaanku ka adeegay ee dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.

Weftiga Xukuumadda waxa xubno ka ah Wasiirka Duulista Hawadda, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Wasiirul dawlaha Waxbarashadda, xubno ka tirsan Golaha Guurtida iyo salaadiin qeyb ka ahaa gurmadkii shaqaaqadan. Shaqaaqadan ayaa waxa ku dhintay lix qof halka todoba kalena ku dhawacmeen, waxaanay labada ardaa isku maandhaafeen ceel biyood lagu dhibeeyo xoolaha oo ay si wada jir ah u wadaagi jireen.