“Golaha Guurtidu Waa Inay Ixtiraamtaa Toddobada Bilood Ee Xisbiyadu Isla Qaateen”Xidhibaan Bashiir Tukaale

0
680

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Golaha Guurtida ugu baaqay in aanay muddo kordhin dheeraad ah oo dhankooda ka yimaado ku darin todobadii bilood ee ay Xisbiyada Qaranku isla qaateen.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay dadaalaan, oo wixii ka qabyo kaga ah Doorashada ka sii tabaabushaystaan, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn Guurtida baaq u diraya “Xisbiyada Qaranku waxay isla qaateen in Doorashadu dib u dhacdo toddoba bilood, markaas Guurtidu waa inay ixtiraamtaa todobada bilood ee Xisbiyadu isla qaateen, oo muddo kordhin dhankooda ka timaada aanay  sameeynin, oo ilaaliya oo ixtiraama heshiiska Axsaabta”

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa mar uu baaq u diraayey Komishanka Doorashada yidhi “Komishanka waxaan leeyahay ilaa hadda waad dadaalaysaan, ee dadaalka halkaas ka sii wada, oo ku dadaala in wixii baylaha idinka ah ee dhinaca Doorashada idinka dhiman inaad ka sii tabaabushaystaan, inta aanay gaadhin wakhtiga Doorashada”.