Xuutiyiinta Oo Duqeyn Ku Dilay Sarkaal Milatari Oo Yemeni Ah

0
554

Jeneral Axmed Sayf Al-yafei oo ah hoggaamiye ciidan oo ka trisan Milliteriga Yemen ayaa lagu dilay duqeyn ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta shalay la beegsadeen Xero Milliteri oo ku taalla duleedka Degmadda Al-mukha ee dalka Yemen.

Ilo Milliteri ayaa xaqiijiyey dilka Saraakiishaasi iyo ciiddan kale oo ku geeriyootay duqeyntaasi. Telefishinka Arabiya ee laga leeyahay Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijiyey dilkaasi. “Sareeye guuto Ahmad Saif Al Yafei, waxa lala dilay ciidan kale, ka dib markii uu gantaal ku dhacay meel u dhow Mokha.” sidaas waxa yidhi saraakiil milatari oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa waxay bishii hore qabsadeen Degmadda Al-mokha oo kaabiga ku haysa Gacan-biyoodka Baab Almandab ee Badda Cas, halkaasi oo ay inta badan maraan Maraakiibta Shidaalka.