Telefishanka HCTV Oo Abaal-marino Ku Maamuusay Shaqaalaha Iyo Weriyayaasha Shaqo-wanaaga La Yimid

0
674

Hargeisa, (Geeska)- Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa abaal-marino kala duwan gudoonsiiyey shaqaalihii iyo wariyeyaashii shaqo-wanaaga la yimid sanadkii dhamaaday ee 2016-ka, kuwaas oo lagu maamuusay hadiyado iyo bilad-sharafyo kala duwan.

Munaasibad si wayn loo soo agaasime oo ka qabsoontay habeen hore hotelka Green Plaza ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa goob joog ka ahaa dhamaan shaqaalaha iyo hawl-wadeenadda HCTV ee dacalada dunidda oo dhan, kuwaas oo iskugu yimid Hargeisa, waxa kale oo iyaguna xafladaasi kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbul-xaakimka Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha iyo Agaasimaha HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed iyo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha telefishankaas Maxamed Ilig, kaas oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tv-gaasi, kaas oo sheegay in daruufo shaqo oo kala duwan oo ay soo mareen ka dib ay ku guulaysteen inay noqdaan telefishan macquul ah oo kastabada mujtamac aad u balaadhan oo dunida meelkasta ay ku leeyihiin daawadayaal.

Agaasime Ilig waxa uu tilmaamay inay xooga saareen mudooyinkii u danbeeyey sidii ay ula iman lahaayeen barnaamijyo iyo warbixino noocoodu ku cusub yahay warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guud ee HCTV Farhan Xaaji Cali Axmed, kaas oo si taxadir leh uga warbiyey marxaladihii iyo waayihii uu soo maray HCTV, kaas oo halkaasi uga mahadnaqay shaqaalaha iyo wariyeyaasha telefishankaasi oo uu ku tilmaamay dad hawlkar ah oo dhamaantood la yimid dadaal isla markaana ku dhiiri-galiyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Ugu horayn Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh lig oo faah faahin ka bixyey ujeedad munaasibadan ayaa, sheegay inay ku dhiirigalinayaan shaqaalohooda dadaalka sameeyey  “Maadaama qofka ibnu aadamka ah ilaahay sharfay in shaqadiisa iyo maamulkiisuna sharaf u yeelaan waa shay aad iyo aad u qiimo badan waxaanu maanta farxadooda la qaybsanaynaa guud ahaan bahda HCTV, xaasaskooda iyo caruurtooda dadaalkoodii ay sameeyeen sanadkii ina dhaafay ee 2016-kii dadka ka shaqeeya TV runtii waa dad maskaxdooda , fahankooda iyo aqoontooda galiyey 24 sacadood galiya shaqada”. Sidoo kale Gudoomiyaha HCTV Farxaan Xaaji Cali oo isaguna munaasibadaasi ka hadalay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisa “Runtii anigu

shaqsiyan  shaqaalaha waan la shaqeeyaa marna masuul baan ka ahay aniga farxad bay ii tahay inaan la shaqeeyo dad aqoon leh oo xirfadooda ku shaqaysta waxaanay ii fuddaysaa inaan si fudud u maamulo”.

Gudoomiyaha Ururka Saxfiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto Oo Halkaasi ka hadalay ayaa, HCTV ku amaanay Dhiiri Galinta Ay u sameeyeen Shaqaalahooda waxaanu yidhi  “Runtii waxaanu u aragnaa qiimayntaasi inay tahay ta kaliya ee horumarka keeni karta, waanan bogaadinayaa shaqaalaha HCTV iyo maamulkoodaba”.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadalay ayaa  sheegay in HCTV uu koray isle markaana waxa uu ku maanay maamulka tv inay dadaal muujiyeen isla markaana ay dhiirigalin u sameeyaan shaqaalahooda.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa, ka markhaati kacay horumarka HCTV waxaanu xusay in uu ku dayasho mudan yahay telefishankaasi. Ugu danbayn Guddoomiyaha Golaha wakiilad ahn gudoomiye xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibad daasi ka hadalay ayaa sheegay HCTV uu ka mid yahay hay’adda warbaahineed ee hogaaminaysa Saxaafaada Soomaalida, waxaanu halkaas hambalyo uga diray shaqaale waynaha HCTV iyo maamulkoodaba, kuwaas oo ku sifeeyey hay’ad dadaalkeedu badan yahay isla markaana gabi ahaanba saamayn balaadhan ku leh gayiga Soomaalida.

Gabo gabadii waxaa halkaasi abaal marino kala duwan lagu gudoon shaqaalihii mutaystay amaal marinta.