Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Furashada Ururada Siyaasada Ee Dalka

0
743

 

guurti

Hargaysa (Geeska) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay ansixiyay xeerka furashada ururada siyaasada oo horyaalay golahaas, isla markaasna ay dood ka soo yeesheen todabaadkii ina soo dhaafay.

Xeerkan furashada ururuda siyaasada waxa  ka noqday intaan la ansixin dhawr mudane oo maalmihii doodu socotay soo jeediyay in kaabis iyo wax ka bedel  lagu sameeyo. Waxanay qaar kamida xildhibaanadii u codeeyay in aan xeerkaa duuduub lagu ansixin ay ku eedeeyeen shirgudoonka golaha guurtida inay ka danbeeyaan ansixinta xeerkan oo ay furfuris ku sameeyeen mudanayaashii aaminsanaa in wax laga badalo xeerkaas.

Fadhigan ay golaha guurtida ee Somaliland isugu yimaadeen ayaa ahaa fadhi aan caadi ahayn oo uu madaxwayne Axmed Siilanyo ka codsaday mudanyaasha golaha guurtida inay waajibkooda ka gutaan xeerka furashada ururada siyaasada oo ay wakiiladu hore u ansixiyeen, waxaana fadhigaas shalay shir gudoominayay gudoomiyaha labaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, waxana ka soo xaadiray 53 xildhibaan oo kamida 82 mudane ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xeerka furashada ururada siyaasada u codeeyay 33 xildhibaan, waxa diiday 15 xildhibaan, sidoo kale waxa ka aamausay 4 xildhibaan, sidaas ayaanu ku meelmaray xeerka furashada ururuada siyaasada.

Haddaba xeerkan oo mudanyaasha golaha guurtidu maalmihii ay ka doodayeen ay u badnayeen in wax laga badalo ayaa shalay markuu shirku furmayba waxa ka noqday dhawr xildhibaan waxaana kamid ahaa xildhibaanadaa Muxumud Aw Axmed oo isagu sheegay markuu dhawrkii maalmood ee golahu kala maqnaa uu sameyay falanqayn dheer uu go’aansaday in xeerka duuduub lagu ansixiyo waxaana hadalkiisa kamid ahaa“Dhawrkii casho ee golahu maqnaa waxaan falan qaynay xeerkan furashada ururuda siyaasada waxaanan eegnay wakhtiga doorashooyinka ka hadhsan, sida ay dabada uga riixayaan deeqbixiyayaasha,komiishanka iyo dawladuba waxaas oo xaalado ah markaan eegnay waxaan go’aansaday in xeerkan siduu golaa wakiilada kaga yimid in loo ansixiyo”

Sidoo kale xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa ku tilmaamay golaha guurtida sharaftuu wadanka kulahaa inay dhulka ku dhacday, goluhuna  uu iska ansixiyo waxii layidhaahdo noo ansixyaba waxaana hadaladiisa kamid ah “Mar haddii uu golahu noqday mid wax loo dhiibto, oo waxii uun ansixiya, taasina waxan u malaynayaa golaha oo in badan soo shaqaynaayay oo taariikh dheer lahaa oo ilaa 1988 la aas aasay inay ceeb kutahay, anigu fikradayda kama baydhayo halka ragu marana waan maryaaa oo kaligay gooni istaagi mayo, waxaan adkaynayaa oo aniga ii muuqata waxa ina dhagaysanayaana waa saxaafad taariikhna aduunyada waa ay ka hadhaysaa, waxaan leeyahay hadii ay xukumaadu tidhaahdo nooso dhaafiya oo qoladaa hanagaga celinina (Wakiilada) markaa inagu booskii aynu wadanka ku lahayn waa aynu ka baxnay, labada golana waxa loo sameeyay in ay is dheeli tiraan oo marka kaasi wax soo qaldo inuu kani saxo, saxidiina markaa meesha waa ay ka baxday.”

Ugu danbayntii markii la ansixiyay xeerkaas furashada ururada siyaasada ayaa saxaafada waxa kula hadlay isla golaha dhexdiisa xildhibaan  Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ku eedeeyay xeerkan duuduubka lagu ansixyay shir gudoonka golaha guurtida, “Shir gudoonka golahu waxa uu doonayay maalmahii xeerka la keenay in in duuduub lagu ansixiyo oo aan laga baaran dagin, markaa in la soo diray waa ay ka muuqatay, mudanyaasha golahana waa la kala faqiyay,mudanayaashii dooda soo jeediyay ee aaminsanaa in xeeraka kaabis lagu sameeyo ayaa guryahooda loogu tagay oo lagu yidhi kanoqda, arintaana waxa sameeyay shir gudoonka golaha guurtida. Shacab waynahuna ha ogaadaadaan in aan golahu u sinayn xeerka duuduubka lagu ansixiyay waxa ku dhex qarsoon.”

Xeerkan furashada ururda siyaasada ee ay ansixiyeen xildhibaanda golaha guurtida, ayaa ah mid xaasaasiya waxaanu hadda u gudbay Madaxweynaha Somaliland oo la filayo inuu deg deg u saxeexo.